
Obama waxa uu xusay in Garland uu ammaan buuxda ka helay intii uu xaakimka ahaa dhinacyada kala duwan ee Mareykanka.
Garland oo ah 63 jir loo arko inuu yahay dhex dhexaad ayaa iminka ah xaakimka ugu sarreeya maxkamadda racfaanka ee degmada Washington DC.
7 ka mid ah xubnaha aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyey markii maxkamadda Washington DC loo magacaabay sanaddii 1997-kii, hase yeeshee Senate-ka oo iminka ay maamulaan xubnaha jamhuuriga, waxa ay sheegeyn inaysan xitaa cod u qaadi doonin.
Waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha beddelaya Obama uu soo magacaabo qofka beddelaya Antonin Scalia.
