HomeMadaxweynaha Maraykanka oo Amar Deg-deg ah ka soo saaray Diyaaradda Boeing 737...

Madaxweynaha Maraykanka oo Amar Deg-deg ah ka soo saaray Diyaaradda Boeing 737 Max 8

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

trump boeing 737Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa amar deg-deg ah ku soo saaray in dalkiisu gebi ahaanba fadhiisinayo isla markaana joojinayo shaqada noocyada diyaaradda ee Boeing 737 Max 8 iyo 9 oo ah noocyo cusub oo shirkaddu soo saartay sannadkii 2017-kii.

 

Go’aanka ayaa ka dambeeyey caddeymo cusub oo ka soo baxay baadhitaanno lagu sameeyey diyaarad noocan ah oo ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo Axaddii todobadkan ku burburtay gudaha dalkaa xilli ay ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shilkaas ku geeriyooday dhammaan dadkii saarnaa oo tiradoodu ahayd 157 qof.

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu gebi ahaanba fadhiisinayo isla markaana joojinayo shaqada noocyada diyaaradda ee Boeing 737 Max 8 iyo 9 oo ah noocyo cusub oo shirkaddu soo saartay sannadkii 2017-kii.

 

 “Waxaanu soo saarnay amar deg-deg ah oo lagu joojinayo dhammaan duullimaadyada 737 Max 8, Max 9 iyo diyaaradaha la midka ah,” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Trump oo gelinkii dambe ee maanta shir-jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad.

boeing 737 max 8 9

Mr Trump waxa uu intaas ku daray in amarka lagu joojiyey shaqada diyaaraddu uu sii soconayo ilaa macluumaad dheeraad ah ay ka helayso Hay’adda Duulimaadyada ee Marayanka (Federal Aviation Authority), macluumaadkaas oo ay ku jiraan cadeymaha laga helay goobtii burburka diyaaradda ee gudaha dalka Ethiopia. 

 

“Badbaadada Shacabka Maraykanka iyo guud ahaan Dadka oo dhami waa masuuliyad weyn oo na saaran,” sidaas ayuu yidhi Trump.

 

Go’aanka Maraykanku ku joojiyey duullimaadyada diyaaraddan waxa ku lammaan go’aamo ay sidoo kale ka qaateen 40 waddan oo ay ku jiraan Dalalka UK, France, Germany, Ireland, India, China, Australia, Indonesia, Canada kuwaas oo dhammaantood Hawadooda ka mabnuucay duullimaadka diyaaraddan.

 

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kaddib markii shilal khasaare ba’an geystay ku yimaaddeen laba diyaaradood oo noocan ah muddo ka yar lix bilood gudahood, waxaana shilka diyaaradda Ethiopian Airlines ka horreeyey diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air oo laga leeyahay dalka Indonesia, taas oo bishii October ee sannadkii hore ku dul-burburtay hawada sare ee badda Java ee dalkaas, waxaana ku geeriyooday 189 qof oo saarnaa, waxaana guud ahaan labada diyaaradood ku geeriyooday 346 qof.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories