HomeMadaxweynaha, Madaxda Goleyaasha Qaranka iyo Xisbiga Dalka oo Shacabiga Somaliland ka tacsiyeeyay...

Madaxweynaha, Madaxda Goleyaasha Qaranka iyo Xisbiga Dalka oo Shacabiga Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida Naxdinta ee Ku timi Marxuum Abwaan Maxamed Xashi Dhamac (Gaarriye)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Alle ha u naxariistee Waxaa habeenkii Xalay Magaalada Oslo ee Wadanka Norwey ku geeriyooday abwaankii caanka ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ka mid ahaa Maansoyahanadii ku talax tagay fanka iyo suugaanta Somaalida.

Rabi naxariistiisii jano ha ugu deeqee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo in Mudo ahba xaalad caafimaad ugu maqnaa wadanka Norwey ilaa uu ku geeriyooday waxaa lagu xasuustaa Qofkii u horeeyay ee ay  maskaxdiisa ka soo maaxatay Miisaanka Maansada Soomaalida, Bud-dhigihii Silsiladii Caanka ahayd ee Deelay,Fayla-soo far,Macallin,iyo Aqoon yahan ,isla markaana lagu sifeeyo qof cod kar ah,oo waxa uu rabo aan la gaban ,dood iyo deeqsinimana aan laga badsan.

Waxaa kale oo Guule ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac oo lagu naanaysi jiray Gaariye uu ahaa Shakhsi ku adag Jiritaanka Qaranimada Somaliland,isaga oo aan ka gaban jirin inuu rabitaanka bulshadiisa u bandhigo inta codkiisa dhagaysata amase ay dood wadaaga yihiin .

blankDhinaca kale Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.

Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo .

Geesta Kale, Shirgudoonka labada aqal ee Baarlamanka Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii,Qaraabadii,iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye”.

Marxuunku waxa uu ku dhashay  Magaalada Hargaysa, horaantii Sanadihii Kontomaadkii ,Waxaanu ifka kaga tagay Afar hablood iyo hal Xaas.

Rabi naxariistiisii Janno ha ugu deeqee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Waxa uu hadalkan Dardaaranka ah u jeediyay Shacabka iyo Siyaasiyiinta Somaliland,kadib markii lagu dhawaaqay in dib loo furay Ururadii Siyaasada waxa uu Marxuunku xiligaas ku sugnaa wadanka Norwey ee uu ku geeriyooday.

SOMALILNDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories