HomeMadaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo xilalkii ka Qaaday Taliyeyaashii Sirdoonka iyo Nabad-sugidda iyo...

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo xilalkii ka Qaaday Taliyeyaashii Sirdoonka iyo Nabad-sugidda iyo Sababaha loo aanaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Garowe (SLpost)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa wareegto uu soo saaray maanta xilalkii ay hayeen kaga qaaday Taliyeyaasha hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugidda ee maamul-goboleedkaas.

Saraakiisha xilalka laga qaaday waxaa ayaa kala ah, agaasimaha hay’adda sirdoonka ee PIA, Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland, iyo agaasimaha hay’adda nabadsugidda ee PSS , Cabdullaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Madaxweynaha Puntland GaasDigreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa lagu yidhi sidan: “Madaxweynuhu wuxuu saraakiisha xilka ka qaaday marku tixgaliyay talo soo jeedinta wasaaradda amniga iyo DDR-ta.”

Ma jirto Faahfaahin intaas ka badan oo lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska Cabdi-weli Gaas, mana jirto masuuliyiin beddelkooda loo magacaabay xilalkan oo muhiimad gaar ah u leh dhismaha iyo haykalka amni ee maamul, haseyeeshee waxa ay muujinaysaa gol-daloolooyin amni iyo mid cid gaar ah loo sibir-saarayo oo ka jirta deegaankaas.

Talaabada uu madaxweyne Gaas Xilalka kaga qaaday masuuliyiintan ayaa ka dambaysay wax-yar kaddib, markii maamulkaasi soo saaray digniin xagga amniga ah oo lagu shaaciyey suurta-galnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca deegaankaas, kaddib markii uu taliyaha Police-ka ee maamulkaas Cabdiraxmaan Warsame uu subaxnimadii hore ee Arbacadii shalay soo saaray digniin ku aaddan weerarro ay qorsheynayaan kooxda Al-Shabaab oo lagu bartilmaameedsado deegaamada maamulkaas.

“Waxaanu haynaa xogo la xidhiidha weerarro ay qorsheynayso Alshabaab. Waxaanu haynaa macluumaad aan ku helnay inay kooxdu ku hawlan tahay weerarro is-miidaamin ah oo ay u adeegsanayaan baabuur,” sidaas ayuu yidhi taliye Warsame isagoo bulshada ka dalbaday inay Ciidamada amaanka ku soo war-geliyaan dhaq-dhaqaaqyaday gaadiidka ay garan-waayaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaadday Sal-dhig milatari oo ku yaala deegaanka Bali-Khadar ee gobolka Bari ee maamul-goboleedkaas, waxaana halkaas ku geeriyooday tobanaan ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland. Qoraal ay soo saartay Kooxda Al-Shabaab weerarka kaddib, waxa ay ku sheegteen inay weerarkaas ku dileen 20 Askari oo ka tirsan Ciidamada maamulkaas, halka saraakiisha Amniga ee maamulka Puntland oo uu shaaciyey inay dagaalkaas ku dileen 15 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories