HomeMadaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay Al-Shabaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa Maamul Gobolleedka Puntland ku eedeeyay inay xasuuq u gaystaan dadka kasoo jeeda Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Bay iyo Bakool.

Xildhibaanadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxay sheegeen in dadka ku nool Puntland ee kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool ama loo aqoonsado inay ku hadlayaan afka May-ga la dilo, qaar ka mid ahna la xidho, qaarna lagu sameeyo jidh-dil, kuwa kalena hantidooda la boobo. Waxa kale oo ay Xildhibaanadani sheegeen in ilaa haddana ay jiraan dad la la’ yahay meel la geeyay.

Xildhibaan Maxamed Sh. Cali Woosh oo ka mid ahaa xubnaha shirka jaraa’id qabtay uu soo bandhigay tirada dadka la dilay sannadkii 2009-ka ilaa 2011-ka. “Waxaanu cambaaraynaynaa Maamul Gobolleedka la magac baxay Puntland, kaasoo ku tuntay dhamaan Shuruucda Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha iyo kuwa u yaalla Soomaaliya, waayo waxa hadda xabsiyada Maamul Gobolleedkaas ku xidhan dad gaadhaya 1,270 (kun laba boqol iyo todobaatan) qof oo u dhashay Gobollada Koonfureed, iyadoo aan wax eed ah loo hayn oo aan ahayn waxay u dhasheen Gobollada Koonfureed, waxa intaas dheer dad gaadhaya 148 (boqol afartan iyo siddeed) qof ayaa lagu xasuuqay Ggobolladaas laga soo bilaabo sannadkii 2009 ilaa maanta, iyadoo aan wax Maxkamad ah lasoo taagin. Maamul Gobolleedkaasi wuxuu ku kacay gabood-fal aad u xoog badan iyo wax la yidhaahdo Isir sifayn, kaasoo mamnuuc ka ah Diinta Islaamka iyo Shuruucda Caalamka u yaalla, waxaa la isir-soocayaa dadka kasoo jeeda Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku hadla Afka May-ga.” ayuu yidhi Xildhibaan Woosh.

Xildhibaan Xuseen Baantuu oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaanay ka adkaysanayn dhibaatada loo gaysanayo dadka ay matalaan, waxaanu dadka ku booriyay inay ka dhiidhiyaan si ay uga hortagaan dhibaatooyinka hadda ka taagan Puntland, waxaanu yidhi:  “Waxaanu ka codsanaynaa beelaha Puntland dega inay Cabdiraxmaan Faroole il gaar ah ku dayaan, haddii ay naga qaban karaan ay naga qabtaan, Soomaali waa isla mid, qof waliba meesha uu tago wuu joogi karaa, wuuna ka shaqaysan karaa, laakiin waxyaabaha uu Cabdiraxmaan Faroole ku dhaqaaqayo isaga iyo guul-wadayaashiisu wax loo dulqaadan karo maaha.” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Baantuu.

“Dhibaatada loo gaystay dadkaas ee dhaca, dhimashada iyo barakicinta, waxaanu ka rabnaa Maamulka Punland dhibaatada ay gaysteen, Maxkamadda Caalamkana waxaanu u sheegaynaa in Faroole iyo maamulkiisa si gaar ah loola xisaabtamo.”

Xildhibaan Madoobe Nuunaw Maxamed ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in lala xisaabtamo Maamulka Faroole.  “Dhibaatada loo gaystay dadkaas ee dhaca, dhimashada iyo barakicinta, waxaanu ka rabnaa Maamulka Punland dhibaatada ay gaysteen, Maxkamadda Caalamkana waxaanu u sheegaynaa in Faroole iyo maamulkiisa si gaar ah loola xisaabtamo.” ayuu yidhi Xildhibaan Madoobe Nuunaw.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaatadaas si toos ah ay ugu eedaynayaa Ciidamada Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland, isla markaana waxa uu sheegay inay dadka si joogta ah xasuuqaan, waxaanu tilmaamay inaanay eedayn shacabka ku dhaqan Puntland, waxaanu baaq qaylo-dhaan ah u diray beesha Caalamka, isagoo ka codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Dhinaca kale, waxay xubnahan Xildhibaanada ahi si wadajir ah u sheegeen inaanay ka qaybgali doonin Shirka Wada-shiga Kooxaha Soomaaliya wejigiisa labaad, kaasoo lagu qabanayo Garoowe. “Shirka la yidhi waxa lagu qaban doonaa Garoowe, shirkaas ma aaminsanin, mana ogolin in Garoowe hadda shir lagu qabto, sababtoo ah gogol dhiigayagii ku daadsan yahay ka qaybgali mayno haddaanu nahay beelahan, ciddii anaga ah ee ka qaybgashana way arki doontaa jawaabteeda.” ayay Xildhibaanadu ku sheegeen dhawaaqooda wadajirka ah.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories