HomeMadaxweynaha La Doortay oo La Kulmay Wefti Heersare ah oo Ka Socda...

Madaxweynaha La Doortay oo La Kulmay Wefti Heersare ah oo Ka Socda Dalka Jabuuti iyo Nuxurka Arrimo laga wada-hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha la doortay ee Somalialnd Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti heer sare ah oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo isugu jira xildhibaanno, diblomaasiyiin, safiirro iyo saraakiil kale.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, la-taliyaha gaarka ah ee ra’isal wasaaraha Jabuuti Md.Nagiib Kaamil Cabdallah, Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye iyo saraakiil kale, waxana uu kulankani ka dhacay guriga madaxweynaha gelinkii hore ee maanta.
FB_IMG_1512046215352Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Jahmuuriyadda Somaliland, ahna madaxweyne ku-xigeenka la doortay Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere iyo xubno sare oo xisbiga KULMIYE katirsan, waxana labada dhinac kulankooda diirrada ku saareen dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.
FB_IMG_1512046219239Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo kulanka kadib faahfaahin bixiyey, ayaa tilmaamay in socdaalka weftigani ku yimaadeen dalka Somaliland iyo kulanka ay la qaateen madaxweynaha cusub ee Somaliland uu marag ka yahay xidhiidhka toolmoon ee labada dal ka dhexeeya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay ahaayeen hambalyo soo dhaweyn ah oo kasoo horraysa tii Caleemo-saarka, taas oo markhaati ka ah jaarnimada labada dal iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo runtii mid aan la ilaawi Karin ah, imikana aanu rajaynayno inuu xidhiidh aad u ballaadhan noqdo, Jabuuti waxa naga dhexeeya Jaarnimo, walaaltinimo iyo waxyaallo badan, waana dad dega labada dhinacba.”
Xildhibaan Cali Cabdi Faarax oo kamid ah weftiga reer Jabuuti ee booqashada ku yimi Somaliland, ayaa isaguna farta ku fiiqay in booqashadoodu salka ku hayso isku dhawaanshaha labada dal iyo xidhiidhka wanaagsa ee u dhexeeya bulshada isku dhiigga iyo dhaqankaba ah ee labada dhinac ku kala dhaqan, waxana uu yidhi, “Waxanu u nimi walaaltinimo iyo hambalyeynta madaxweynaha lagu doortay doorashadii sida fiican u dhacday, Somaliland-na waa dalka noogu dhow, dhaqaale ahaan, diin ahaan iyo dhiig ahaanba, inaanu markaa dadka kale kasoo horrayno oo aanu kasoo hor marno oo aanu kasoo horrayno caleemo-saarkii bisha dambe dhacayey socdaalkayaga ayaana tilmaamaya inta aanu isku jirno, waana hambalyeynay madaxweynaha umadda reer Somaliland dooratay, waana u ducaynay inuu Ilaahay xilkaas ku garabgalo.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa bulshada reer Somaliland ku bogaadiyey doorashadii xorta iyo xalaasha ahayd ee dalka ka qabsoontay, waxana uu sheegay inay Somaliland ku tallaabsatay horumar aanay gaadhin dalalka kale ee qaaradda Afrika, “Socdaalkayagu waa mid walaalnimo iyo darisnimo, ka kale ee caleemo-saarkana Jabuuti way iman doontaa oo wefti rasmi ah ayaa iman doona, umadda reer Somaliland-na waanu ugu hambalyeynaynaa sida quruxda badan ee ku dayashadu ku jirto ee iyada oo aanay cidina caawin ay doorashadaa heerka sare ah ee casriga ah ee la isku raacay inay tahay tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee qaaraddan Afrika ka dhacday, waana inta aad dadka dheer tihiin in idinka oo aan la idin aqoonsan oo aanay cidina idin gargaarin aad gaadheen, aqoonsiguna waa ka umaddu is aqoonsatee idinkaa is aqoonsaday,” ayuu yidhi xildhibaan Cali Cabdi Faarax.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories