HomeMadaxweynaha La Doortay oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillada Xisbiga ee...

Madaxweynaha La Doortay oo Kulan Mahadnaq ah La Qaatay Wakiillada Xisbiga ee Laamaha Dibadda iyo Qurbejoogga KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay madaxda laamaha KULMIYE ee dibadda iyo taageerayaal qurbejoog ah oo dalalka dibadda ka yimi.

Kulankan mahadnaqa ah oo xarunta ololaha KULMIYE ka qabsoomay gelinkii dambe ee maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeennada koowaad, labaad iyo saddexaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi Dheere iyo Xuseen Aadan Cadde, xubno kamid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, madaxda laamaha kala duwan ee dalalka dibadda u qaabilsan xisbiga iyo taageerayaal qurbejoog ah oo dalka u yimi sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen ololihii madaxtinimada ee dhawaan dalka ka qabsoontay.

biixiUgu horrayn xubno kamid ah madaxda iyo wakiillada xisbiga KULMIYE ee laamaha dibadda oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa sharraxay doorka laxaadka leh ee qurbejoog ahaan ku leeyihiin guulaha xisbiga KULMIYE iyo dardargelintiisaba, waxana ay shaaca ka qaadeen inay si niyad ah u talo iyo tusaaleba ula garab galaan madaxweynaha cusub ee la doortay.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa isaguna si ballaadhan uga mahadnaqay qurbejooga ku abtirsada xisbiga KULMIYE, isla markaana ay kaalin mug leh kaga jiraan guulihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo ay ugu dambaysay midda lagu doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

hctvMadaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadallo dhinacyo badan taabanaya u jeediyey madaxda laamaha dibadda ee KULMIYE iyo taageerayaasha dalalka dibadda, ayaa cod dheer ku sharraxay kaalinta ay qurbejoogga reer Somaliland kaga jiraan guud ahaan qaranimada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qurbejooggu dadka dalka jooga waxa ay dheer yihiin inay qoysaska wax taraan oo ay dhaqaale ahaan caawiyaan, waxa kale oo aynu ognahay inay Ictiraaf-raadinta, bannaanbaxyada iyo hawsha ay ku jiraan aanay kuwa gudaha joogaan gelin, badankoodu aanay qiimaheeda iyo juhdiga aad ku bixisaan aanay garanaynin, aqoon iyo Ilbaxnimaad keentaan oo xataa kiina aan jaamacad gelinini ilbaxnimo xisbinimo iyo dawladnimo leh ayuu keenaa oo uu dalka ka caawiyaa.”

Madaxweynuhu waxa uu qurbe-joogga iyo qolqol-jooggaba ka codsaday inay ku qaddariyaan go’aamada uu qaadan doono, kuna samraan, “Waxa aad ii doorateen ra’yigaaga ku soco oo meel hagaagsan na gee, laakiin qaadan kari mayo waan ku doortaye taladayda yeel, imisaan taladooda yeelaa? Waxa kale oo aan qurbejoogga iyo kuwa gudahaba ka codsanayaa colool-adaygu waa waxa lagula ag joogo, dadka ku ag joogaa haddii ay ku yidhaahdaan sax baad tahaye arrintaas ku soco waad soconaysaa, laakiin haddii intii aad isku xisbiga ahaydeen ee aad isku mabda’a ahaydeen midba habeen kuusoo duso oo uu gacanta ku yara qabto Bani’aadam uun baad tahay, taasna ku socon kari mayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in lagu taageero go’aamada uu kusoo dhisayo xukuumadda cusub ee la filayo inuu dhawaan soo dhiso, isla-markaana lagu samro qalinkiisa, laguna wada qanco fulintii wixii loo wada halgamay oo ahayd sarraynta sharciga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wixii aynu ku heshiinay ee ahayd sharcigu ha sarreeyo, go’aan halla qaato oo dawladda halla wanaajiyo inaynu ka wada midownaa wanaagsan, Toddobaadyada soo socdana waa markii dawladda la magacaabayaye ninkii sida uu doonayo waayoow waxba ha niyad-jabin, qof baa kula wanaagsan oo aad is leedahay wax walba wuu qabanayaaye mid aanad ka filaynin haddii ay gacantu igaga dhacdo kulamaan aqoon oo adiga ma ihiye ha ila yaabin wax hagaaji uun is leeyahaye.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories