HomeMadaxweynaha La Doortay oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland...

Madaxweynaha La Doortay oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda safaaradda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Soomaaliya.
FB_IMG_1511591561960Weftigan waxa hoggaaminaya safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaliya Ambassador Daved Concar, islamarkaana ay xubin ka ahayd haweenayda madaxda ka ah Xafiiska ingiriiska u qaabilsan Somaliland Mrs Rosie Tapper.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen guddoomiye-ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, ayey labada dhinac kaga wada-hadleen arrrimo door ah oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee ay Somaliand yeelatay iyo sida ay dawladda Ingiriiska uga go’an tahay inay wada-shaqayn dhaw ula yeelato iyo sidii loosii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac ka dhexeeya.
FB_IMG_1511591590744Ugu Horrayn Ambassador Daved Concar waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu bushaareeyey hambalyo rasmi ah oo uu uga sido dawladiisa, isaga oo intaas ku daray inay dawladda Ingiriisku muhiimad weyn siinayso sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha ay siiso Somaliland ee dhinaca horumarka, isla markaana loosii xoojin lahaa xidhiidhka labada dhinac.
FB_IMG_1511591584081Ambassador Daved Concar waxa kale oo uu sheegay inuu inay dawladiisa ka go’an tahay sii ambo-qaadista wada-dahallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo ka midho-dhalintooda si mustaqbalka loo gaadho natiijo labada dhinacba ku wada qanci karaan.
FB_IMG_1511591570553Arrimaha kale ee uu Ambassador Daved Concar madaxweynaha la wadaagay waxa kamid ahaa xiisaha ay dawladda Biritain u qabto dedaalka nabadaynta ah ee ay xukuumadda KULMIYE ka bilowday gobollada Bariga Somaliland, waxana uu madaxweynaha ka codsaday inuu ka gun gaadho wada-hadalladaas.
Madaxweynaha cusub ee shacabku doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa uga mahadnaqay booqashada safiirrada iyo doorka saaxiibtinimo ee uu ay dawlada Biritain la leedahay Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka go’ntahay sidii uu usii quweyn lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ay Somaliland la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories