HomeMadaxweynaha la Doortay ee Somaliland oo La Kulmay Diblomaasiyiin Ka Socda Midowga...

Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland oo La Kulmay Diblomaasiyiin Ka Socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan uu doortay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay diblumaasiyiin sarsare oo ka kala socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalka Turkiga.

FB_IMG_1512661667259Madaxweyne Muuse Biixi oo diblumaasiyiinta kulamo kala duwan si gooni gooni ah ugula yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland maanta, iyadoo ay wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ku qaabilay saddexda wefti oo ay kala hoggaaminayaan; Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Jeffrey Sims, Wakiilka Midowga Turub ee Somaliland Mr. Alberto Fiat iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Ali Noyan Coskun, waxaanna diblomaasiyiintani guddoonsiiyeen Madaxweynaha cusub ee Somaliland hambalyo rasmi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin guushii uu ka soo hooyey doorashadii Madaxtooyada Somaliland, waxaanay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisaba.

Diblumaasiyiintani waxay bogaadiyeen doorashadii Madaxtinimada ee ka qabsoontay dalka Somaliland 13-kii bishii hore ee November 20FB_IMG_151266165519417, taas oo ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland u soo hoysay guul hor leh, kuna tilmaameen tallaabo muhiim ah oo ummadda reer Somaliland mar kale u qaaday xagga dimuqraadiyadda.

Waxa kaloo diblomaasiyiintani si isku mid ah u sheegeen inay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan sii xoojinta xidhiidhada ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo ururrada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo weliba dalka Turkiga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn ugu mahadceliyey diblumaasiyiintan soo booqday oo uu si farxad leh uga guddoomay hambalyooyinka ay u sideen, waxaannu sheegay inay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhada diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo iskaashi ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories