HomeMadaxweynaha, ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirrada Somaliland oo Mushaharkooda kaga Qayb-qaadanaya Gurmadka Abaaraha

Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo Golaha Wasiirrada Somaliland oo Mushaharkooda kaga Qayb-qaadanaya Gurmadka Abaaraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu go’aamiyey in madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xubnaha Golaha Wasiirradu ay muddo hal-bil ah mushaharkooda kaga qayb-qaataan taakuleynta Abaaraha ka jira dalka.

blankWar-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay arrimaha ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada, ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 88-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2022, ayaa goluhu war-biximo kaga dhegeystay  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Arrimaha la xidhiidha Amniga dalka iyo howsha agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18 May ee sannadkan 2022.

Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa golaha uga war-bixiyey xaaladda abaarta dalka iyo safarkii ay Guddida Gurmadka Abaaruhu ugu baxday gobolada barriga, isagoo xusay in abaarta ka jirta dalku ay sii ballaadhanayso marba marka ka danbaysa, dhammaan gobolada dalkana ay ka jirto abaartu, haba sii kala darnaadaane.

blankDood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa fadhigii maanta lagu go’aamiyey, si loo barbar istaago dadka ay abaartu saamaysay in Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha wasiirradu ay hal bil mushaharkood ugu deeqaan hawlaha gurmadka iyo taakulaynta abaarta, si loo dardar-galiyo lana xoojiyo hawlaha gurmadka abaarta.

Ugu danbayntiina goluhu waxaay soo jeediyeen in laga qaybqaato hawlaha qaadhaan ururinta ee ay kaga qayb-qaadanayaan ganacsatada, qurbo-joogta iyo dadwaynaha reer Somaliland ee ay taakulaynta abaarta kula barbar istaagayaan dadkooda tabaalaysan,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories