HomeMadaxweynaha Koonfur Afrika Oo Shacabkiisa Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Isir-nacaybka

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Shacabkiisa Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Isir-nacaybka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Opening Media Lunch'World Cup 2010 - before the kick-off':Pretoria, (SLP)- Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlayay rabshadaha sii xoogaysanaya ee ku salaysan Jinsi-nacaybka ee ka socda Koonfur Afrika ayaa sheegay inuu si adag u cambaaraynayo isagoo ku baaqay in la joojiyo.S. Africa

rabshadahan oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka ajaanibka ah ee dalkaas ku nool ayaa sababay dhimashada lix qof inta la ogyahay, iyadoo kumanaan qof oo ajnabi ahna ay ka barakaceen deegaannadii ay ku noolaayeen iyo goobahoodii ganacsiga, iyagoo ka baqdin qaba in la beegsado.S. Africa1

“Waa in la joojiyaa rabshadaha ku dhisan Jinsi-nacaybka, waayo ma sii wado karno inaan innagoo Afrikaan isku mid ah oo qaarad qudha kuwada nool aan isku dilno mid-mid,” ayuu yiri Zuma oo wareysi siinayay warbaahinta SABC ee Koonfur Afrika.S. Africa2

Zuma oo sii wata hadalkiisa ayaa intaas ku daray. “Waxa ka dhacaya dalkeenna waa kuwo aan la aqbali karin waananu cambaaraynaynaa in shacabkeennu billaabaan weerarro ay ajaanibka ku beegsanayaan kuna dilayaan.”

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada dadka ajaabinka ah lagu hayo ee ka socda magaalooyinka waddankaas oo ay ka mid yihiin; Johannesburg iyo Durban.S. Africa4

Sidoo kale, weerarrada lagu hayo ajaanibka ayaa waxaa isna cambaareeyay guddoomiyaha gobolka Kwa-Zulu-Natal, Jen. Mmamonnye Ngobeni, iyadoo rabshadahan dadkii lagu dilay uu ku jiro wiil yar oo 14-jir ah, waxaana lagu barakiciyay dad aad u fara badan.S. Afrika3

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Jacob Zuma uu qoraal lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan gobolka Kuwa-Zulu-Natal uu la saxeexday wasiirka arrimaha gudaha, Malusi Gigaba iyo wasiirka booliska Koonfur Afrika, Nathi Nhleko.

“Xukuumaddu waa inay si adag u shaqayso si loo helo fursado sidii dadka ajnabiga ah ee ku nool gobolkaas ay u heli lahaayeen amni ganacsiyadooda ku wataan. Mana aha mid aan aqbali karno in marka loolan ganacsi uu yimaado aynu u isticmaalno rabshado, gaar ahaan walaalaheenna Afirkaanka ah ee wiil iyo gabadhba leh ee aynu wada-daggannahay qaaradda Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray Jacob Zuma.

Madaxweynaha Koonfur Afrika wuxuu hadalkiisa raaciyay in markii dalkooda uu ku jiray dhibaatada xilliyadii lasoo dhaafay ay taageero ka heli jireen dalalka kale oo Afrikaan ah si aan ugu dagaalanno xorriyaddeenna. Isagoo hadalkiisa ku yidhi. “Xilligii aynu dhibaatada ku jirnay walaalaheen namay eryi jirin, waana in taas maskaxda lagu hayo.”

Dhinaca kale, Jacob Zuma wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qoysaskii rabshadaha ka socda dalkiisa Koonfur Afrika ku waayay kuwii ay jeclaayeen, iyadoo Koonfur Afrika ay weli ka sii socdaan rabshada jinsi-nacaybka ku dhisan.

Ugu dambayn, booliiska gobolka Kwa-Zulu-Natal ayaa sheegay inay rabshadaha ka socda gobolkaas u xidheen 74-qof oo loo haysto dambiyo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin, dilal, abaabul rabshado, boob ganacsi, tuugonimo iyo haysasho hub iyo rasaas.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa la filayaa inuu soo saaro war-saxaafadeed ka dhan ah hoggaamiye beeleedka gobolka Kwa-Zulu-Natal oo la rumaysan yahay inuu kiciyay rabshadaha isir-nacaybka ah ee ka taagan Koonfur Afrika.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories