HomeJacob Zuma Oo Sheegay Inuu Wax Ka Qabanayo Dhibta Dalkiisa Ku Haysata...

Jacob Zuma Oo Sheegay Inuu Wax Ka Qabanayo Dhibta Dalkiisa Ku Haysata Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Opening Media Lunch'World Cup 2010 - before the kick-off':Johannesburg, (SLP)-  Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacop Zuma oo booqday xero si ku meel-gaadh ah loo dejiyay dadka ka cararay rabshadaha isir-nacaybka ah ee dalkaas ka socda ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo ka mid ah ajaanibka weerarrada lagu hayo.

Zuma ayaa intaas raaciyay in dadka Koonfur Afrika aanay dhaqan u lahayn inay dhibaato u gaystaan dadka la nool ee Afirkaanka ah, waxaanu xusay in dawladda uu hoggaaminayo ay qaadayso tallaabooyin ay ku xasilnayso dhibaatada taagan.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa falalka dhibaatada ah ee ay samaynayaan dad tiro yar oo Koonfur Afrikaan ah, waxaananu qaadanaynaa tallaabooyin aan wax kaga qabanayno dhibka taagan.” ayuu yidhi Zuma oo intaas raaciyay inuu amar ku siiyay hay’addaha amniga dalkiisa inay badbaadiyaan hantida ajaanibka ku nool dalkiisa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadkii uu madaxweyne Zuma la kulmay ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay iskaga tagaan dalkiisa oo ay dib ugu laabtaan waddamadooda.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay Koonfur Afrika waxa ka jiray rabshado ay ku naf-waayeen ugu yaraan shan qof oo uu ku jiray wiil yar oo 14-jir ah, kuwaasoo ay gaysanayeen kooxo cadhaysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Rabshadahan ayaa lagu bara-kiciyay kumannaan ajaanibka dalkaas ku nool ah, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaali, waxaana haatan ay dadkaasi ku sugan yihiin saldhigyada ay leeyihiin ciidamada dalkaas si aan loo dhibaatayn.

Ugu dambayn, ganacsato Soomaali ah oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa Warbaahinta u sheegay in la boobay boqolaal dukaanno ay magaalooyinka iyo tuulooyinka waddankaas ku lahaayeen, ka dib markii ay kusoo qamaameen dad cadhaysan oo Koonfur Afirkaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan dukaammo ganacsi ku leh deegaano ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkasoo marar badan lagu weeraray.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories