HomeMadaxweynaha Kenya oo Shaaciyey inay CIIDAMADU Soo Gunaanadeen Hawl-galkii xarunta Ganacsiga ee...

Madaxweynaha Kenya oo Shaaciyey inay CIIDAMADU Soo Gunaanadeen Hawl-galkii xarunta Ganacsiga ee WESTGATE MALL , Tirada ay ka dileen iyo kuwa ka qab-qabteen Dableydii ku jirtay Dhismaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in hawlgalkii xarunta ganacsiga Westgate oo afar maalmood ah socday ay soo gebagebeyeen, isla markaana ganacta ku dhigeen 11 qof oo ka mid ah malleeshiyaadkii weerarka ku qaaday goobtaas, isla markaana ay dileen shan ka mid ah.

Madaxweynaha Kenya oo caawa telefishanka dalkaas kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay in saddex dabaq oo ka mid ah afarta dabaq ee dhismaha Xarunta Ganacsi ka koobnaa ay gebi ahaanba dumeen intii lagu gudo-jiray hawl-galka lagula dagaalamayey kooxaha maleeshiyaadka ah ee weeraray xaruntaas.

“Waan dulaynay, isla markaana jebinay kuwii na soo weeraray,” ayuu Kenyatta, ka sheegay khudbad uu caawa ka jeediyey telefishanka dalkiisa. “Si weyn ayaa la inoo dhaawacay, laakiin, geesiyaal ayeynu noqonay, kuna midownay oo xoogaysanay. Waan jebinay cadowgeenii, una muujinay adduunka waxaan qabsan karno.”

westgate mall_Kenyatta (1)Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay sheegay inay dileen shan ka mid ah argagaxisadii weerarka soo qaaday, halka 11 kalena gacanta ku dhigeen oo booliisku hayo. “Khasaaraheenu wuu balaadhan yahay,” ayuu yidhi ka dib markuu cadeeyey in 67 qof ku waayeen weerarkaa, kuwaas oo 61 ka mid ahi  shacab ahaayeen, halka lixda kale ciidamada Kenya ahaayeen, halka sidoo kale dad gaadhaya 240 ku dhaawacmeen.

Madweynaha Kenya waxa uu sheegay in saddex maalmood oo baroor-diiq ah loo samayn doono dadkii ku dhintay weerarkii Westgate, calanka wadankaasna hoos loo dhigi doono. Mr Kenyatta waxa uu caddeeyey in Xilligii hawlgalku socday saddex dabaq oo dhismaha ka mid ah dumeen. “Argagxisadii iyo shacabkii waxay weli ku jiraan burburkii hoostiisa,” ayuu sheegay, isaga oo intaas ku daray inay weli wadaan baadhitaano lagu ogaanayo dhalashada argagaxisadii weerarka soo qaaday. “Khubarada faraha ayaa wada baadhitaano lagu xaqiijinayo wadamada ay ka soo jeedaan argagaxisadii,” ayuu yidhi Kenyatta.

westgate mall_KenyattaMadaxweyne Kenyata waxa u ballanqaaday in xukuumadiisu talaabo ka qaadi doonto argagaxisada weerarkan ka dambeeyey, “Fulayda weerarka soo qaaday waxa la marin doonaa cadaaladda, iyo dhamaan intii gacan ku lahayd weerarkooda meel kastoo ay joogaan.”

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa Sabtidii todobaadkan gudaha u galay xarunta ganacsiga Westgate ee dalka Kenya, halkaasoo maalintii shanaad ay kula dagaalamayaan ciidamada Kenya iyo ciidamo ka socda dalka Israa’iil oo caawinaya.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories