HomeMadaxweynaha Kenya oo ku Hanjabay in aanu u Dul-qaadan Doonin in Xag-jirnimada...

Madaxweynaha Kenya oo ku Hanjabay in aanu u Dul-qaadan Doonin in Xag-jirnimada laga abaabulo Goobaha Lagu Cibaadaysto

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay in aanay dawladdiisu u dulqaadan doonin in goobaha lagu cibaadaysto noqdaan xarumo maskaxda lagaga beddelo dhallinyarada, isla markaana lagu baro xag-jirnimada, taa soo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga dalkiisa.

Sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee Reuters, madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxa uu sheegay inay geli doonaan dagaal iyo hawlgallo xididdada loogu siibayo xag-jirnimada iyo ficilada da’yarta lagu duufsanayo si ay uga barbar dagaalamaan ururrada argagixisada ah.

kenyatta“Duruufo kasta oo yimaad, goobaha lagu cibaadaysto ee masaajidada iyo kiniisadaha u ogolaan mayno inay noqdaan inay noqdaan meelo dhallinyarta lagu baro ficilada xag-jirnimada iyo inay khatar ku noqdaan amniga qaranka iyo nolosha shacbiga Kenya,” ayuu yidhi madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya sooma hadal qaadin rabshado magaalada dekedda ah ee Mombassa ee wadankaasi ka dhacay Jimcihii shalay, kadib markii ciidamada ammaanku todobaadkan hawlgal ka fuliyeen masaajid ku yaal magaaladaas..

Ciidammada booliska dalka Kenya, ayaa warbaahinta u sheegay in masaajidka la weeraray oo ku yaal magaalada dekedda ah ee Mambassa yahay goob lagu tababaro dhallinyarta muslimiinta ah si ay dagaal ula galaan Kenya, iyagoo xusay in tallaabada masaajidka lagu weeraray aanay wax xidhiidh ah la lahayn colaad iyo tacadiyo si gaar ah loogu tallogalay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan waddanka Kenya.

Rabshado kala duwan, ayaa qaybo ka mid ah magaalada Mambassa ka dhacay Jimcihii shalay, kadib markii dhallinyaro ka cadhootay hawlgalka ciidamada boolisku ka fuliyeen masaajid magaaladaas ku yaal,  waxayna dhallinyarta gadooday weeraro ku qaadeen goobo iyo meherado dad aan muslimiin ahayni ku leeyihiin magaalada Mombasa, iyada oo ciidamo dheeraad ah oo boolis ah loo diray si ay wax uga qabtaan xaalada kacsan iyo  rabshadaha ka taagan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Culimada Muslimiinta ah ee magaalada Mombasa, ayaa ciidamada dawladda Kenya ku eedeeyey inay ku kaceen xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqal-insaanka iyo bani’aadanimada, isla markaana xadhig iyo jidh-dil ku sameeyeen dhallinyaro badan oo boolisku qabqabtay, iyadoo culimada Muslimiinta ahi sheegeen in falalka boolisku ku sameeyeen ay qayb ka noqon karto inay dhallinyaro badan u leexdaan dhinaca xag-jirnimada, isla markaana dagaal jihaad ah la galaan dawladda Kenya.

Dad kala duwan oo ku dhaqan magaalada dekedda ah ee Mambassa, ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in falal bililiqo ahi ka dhacday magaalada, isla markaana la boobay meherado badan oo dad ganacsato ahi leeyihiin, tallaabooyinkaas oo ay ku kaceen dhallinyaro ka cadhooday hab-dhaqanka ciidamada boolisku ka sameeyeen magaalada Mombasa oo ah xarun dadka muslimiinta ahi aad ugu badan yihiin.

Masaajiddo ku yaal magaalooyin waaweyn oo dalka Kenya ah, gaar ahaan caasimadda Nairobi iyo Mombasa, ayaa Jimcihii shalay laga akhriyey khudbado lagu cambaareeyey hawlgallada ciidamada booliska Kenya ka sameeyeen magaalada dekedda ah ee Mombasa, kuwaasoo sidoo kale ku baaqay in la dejiyo xaalada kacsan ee ka taagan degaannada Muslimiinta Kenya ku badan yihiin.

Booliska dalka Kenya, ayaa sheegay in dhallinyaro tiradoodu dhan tahay104 lagu qabqabtay hawlgallada laga sameeyey Mombasa, kuwaasoo ay sheegeen inay horgayn doonaan maxkamad si loogu qaado dambiyo la xidhiidha rabshad abuur iyo falal ka dhan ah ammaanka Kenya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories