HomeMadaxweynaha Kenya oo Diiday in Mushaharka loo Kordhiyo Macallimiinta Wax ka dhiga...

Madaxweynaha Kenya oo Diiday in Mushaharka loo Kordhiyo Macallimiinta Wax ka dhiga Dugsiyada Kenya.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi(SLpost) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aanay awood u lahayn inay kordhiyaan mushaharka macalimiinta wax ka dhiga iskuullada dawladdu maamusho, iyadoo macallimiintu ay haatan ku jiraan shaqo-joojin ay kaga cabanayaan mushahar yari haysata.

Uhuru Kenyatta oo shalay ka hadlayay shaqo-joojinta macalimiinta Kenya ayaa xusay in macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Kenya ay yihiin kuwa saddexaad ee ugu mushaharka badan qaaradda Afrika.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Kenya ay Jimcihii ku dhawaaqday in la xidho gabi ahaanba dugsiyada ay dowladdu gacanta ku hayso iyo kuwa gaarka loo leeyahay, inta ay macalliimiintu ku jiraan shaqo-joojinta.

Sidoo kale, madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in dakhliga soo gala dowladda Kenya ay boqolkiiba laba iyo konton (52%) ku bixiso mushaharada shaqaalaha oo ay ku jiraan Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadu.

Xogahayaha guud ee Ururka Maclimiinta Kenya, Wilson Sission ayaa isaguna ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in macalimiintu ay sii wadi doonaan shaqa joojinta oo isbuucii Afaraad galaysa Isniinta Maanta ah.

Dhanka kale, in ka badan 11 milyan oo caruur ah ayaa guryahooda joogaya oo aan aadi doonin Iskuullada Waxbarashada inta uu socdo gadoodka mushahar ka cabashada ah ee ay wadaan macallimiinta Kenya.

Ugu dambeyn, Iskuulada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa dib loo furay, inkastoo Iskuulada dawladda albaabbada la isugu dhuftay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories