HomeMadaxweynaha jamuuriyada somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Oo Shacbiga u diray...

Madaxweynaha jamuuriyada somaliland Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Oo Shacbiga u diray Farriin ku wajahan 22-guuradda xornimadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SiilaanyooHARGEYSA (SLPOST)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan oo weyneeyaan munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay farriin gaaban oo uu ugu tallo galay inuu shacbiga hawadda u mariyo munaasibadan beri oo Sabti ah dalka laga xusayo darteed.

“Xiligan oo aynu u dabaal degayno xornimada Somaliland, waxaan anigoo ah madaxweynaha Somaliland ugu baaqayaa bulshadda Somaliland ee ku kala sugan daafaha dunida inay u midoobaan xuska 22-guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, siday caawa daabacday mareegta SomalilandGov.

“Waxay bulshadda Somaliland u noqonaysaa xuskani fursad la yaableh oo isku keenaysa bulshada Somaliland. Meel kasta oo aad ka joogtaan adduunka waxaan idiin rajaynayaa wakhtigan la xusayo qaranimada Somaliland inaad soo xasuusataan walaalahiin. Taariikhda dalkeenu waxay 22-kii sanadood ee la soo dhaafay soo martay marxlado badan,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland

.
“Dalkeenu waa jasiirad nabadoon oo maamul wanaag ka jiro oo ku yaalla Geeska Afrika,”ayuu sheegay Madaxweynuhu.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba ku bogaadiyay munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu intaas raaciyay“Wada jirkeenu waxa uu keenayaa inaynu hagaajisano mustaqbalka oo horumarino dalkeena aynu dhammaanteen u han-weyn nahay,”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories