HomeMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

8B7A0616Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska,  Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shir, ayaa markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftiga ka socda dalka Ingiriisku sida gaarka uga wada-hadleen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadalkaasina si wacan buu u dhacay, ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.”

 8B7A0625

Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin oo iyaduna dhinaceeda ka xog-warrantay kulanka weftiga ay hoggaaminaysaa la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa oo aan arko mid kamid ah dalalka Afrika ee xidhiidha qotoda dheer la leh dalkayga, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu  ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”

Ugu dambayntii waxa ay  wasiiru-dawluhu madaxweynaha ku bogaadisay sida ay uga go’an tahay horumarinta, hirgelinta dimuqraaddiyadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay waqtigooda ku qabsoomaan doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Baarlamaanku, iyada oo hoosta ka xarriiqday in dalka Ingiriisku sii ahaan doono saaxiib dhaw oo ay Somaliland leedahay.

 

https://youtu.be/uD3jnLCa2R8

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories