HomeMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qaybgalay 28-Guurada Munaasibadda Qaran Ee 18-ka...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qaybgalay 28-Guurada Munaasibadda Qaran Ee 18-ka May oo aan loo kala hadhin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo caasimadda Hargeysa loogu sameeyey 28-guurada kasoo wareegtay maalinta qaran ee 18ka May oo ku beegan markii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

blank

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana lagu qabtay  barxad cusub oo laga bineeyey wajahadda hore ee xarunta wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, guddoomiyaha maxkamadda Sare,  xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanksa saddexda xisbi-qaran ee  UCID, KULMIYE iyo WADDANI, xildhibaanno ka socda dalalka Yugaandha, Kiiniya iyo Yugaandha, Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirro ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, marti-sharaf ka kala yimi dalalka Ethiopia, UK, Denmark, Ururka Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN), taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, siyaasiyiin, aqoonyahan, haldoor ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha socod ku maray qaybaha kala duwan ee ururrada Bulshada rayidka ah.

Boqollaal kamid ah qaybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha dawladda, ayaa madasha koox koox usoo maray iyaga oo ku lebbisay astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo shirkadaha waddanida ah ee dalka ka jira oo goobta soo maray ay soo bandhigeen farxashanno iyo xirfado kala duwan oo soo jiitay madaxdii iyo masuuliyiintii madasha ku sugnaa.

Arday ka socota dugsiyada iyo jaamacadaha kala duwan ee dalka oo iyaguna goobta maray, ayaa indhaha masuuliyiintii goobta fadhiyey iyo dadweynihiiba soo jiitay, kuwaas oo ay ka muuqatay aqoonta ay dalkooda ku barteen.

Dufcad kamid ah dhallinyarada shaqo qaran oo wiilal iyo gabdho isugu jira oo muddo carbis iyo waxbarasho u xaraysnayd, ayaa iyaguna goobta kusoo bandhigay khibraddooda ciidannimo ee ay barteen muddadii ay xaraysnaayeen, waxana ay masuuliyiintu si weyn ula dhaceen xirfadda ciidannimo ee ay dhallinyaradaasi barteen.

blank

Cutubyo kamid ah ciidamada kala duwan ee Asluubta, Booliska, Militeriga, Badda, Laanta Socdaalka iyo Dab-damiska, ayaa iyaguna gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar xiiso badan ku maray fagaaraha lagu xusayo munaasibadda 18-Ka May, iyaga oo sidoo kale soo bandhigay gaadiid cusub iyo hub casri ah oo ay  ciidamani leeyihiin, kuwaas oo guud ahaanba shacabkii gaardiska daawanayey si weyn u farxad geliyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gebogebadii munaasibadda ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa, waxana ku dheeraaday guulihii kala duwanaa ee ay ku tallaabsatay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, isaga oo muujiyey sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo Deegaanku.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale sharraxay sida ay xukuumad ahaan ugu dedaaleen dejinta isteraatiijiyado qaranku ku horumari karo iyo siyaasado la jaanqaadi kara is-beddelada ka hana qaaday Geeska iyo kuwa caalamkaba.

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories