HomeMadaxweynaha Jabuuti oo Sharraxay Asbaabaha U Suurta-geliyey Horumarka iyo Fursadaha Maal-gashi ee...

Madaxweynaha Jabuuti oo Sharraxay Asbaabaha U Suurta-geliyey Horumarka iyo Fursadaha Maal-gashi ee Dalkiisu Helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay fursadaha dalkiisa u saamaxay horumarka uu gaadhay iyo helitaanka maal-gashi caalami ah oo laga fuliyo.

JABUUTIMadaxweyne Geelle oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyey Safiir Cusub oo dalka Faransiisku u magacaabay inuu wakiil uga noqdo dalka Jabuuti oo waraaqihiisa aqoonsiga kaga guddoomay, waxa uu carrabta ku dhuftay in sababaha u horseeday inuu dalkiisu ku guulaysto helitaanka Maalgashi caalami ah, ay ka mid tahay markii ay qaateen nidaam sharcigiisu dimuqraaddiyad ku dhisan yahay.

“Waxaanu qaadannay talaabooyin kala duwan oo keenay inaan noqono dal soo jiita maalgashiga caalamka, annagoo dammaanad qaadnay in la helo xasilooni iyo nabadgelyo dalkayaga ka jirta,” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale, Safiirka Cusub ee dawladda Faransiisku u magacowday dalk aJabuuti Mr. Serge Mucetti, oo munasibadda ka hadlay, ayaa soo bandhigay aragtida dawladdoodu ka qabto Islaamka iyo Kooxda Xag-jirka ah.

“Dalka Faransiisku kuma jahwareeraan kala garashada argagxisada iyo dadka diinta islaamka ku dhaqma,” ayuu yidhi Serge Mucetti oo ka hadlayey qaabka ay ula macaamilaan dadka Muslimiinta ah ee dhaqan dalkiisa oo lagu tilmaamo waddanka ay Muslimiinta ugu badani ku nool yihiin qaaradda Yurub.

Safiirka Faransiiska oo ka hadlayey doorka uga bannaan ilaalinta ammaanka iyo nabad-gelyada dalka Jabuuti, waxa uu yidhi, “Qorshaha Faransiisku waa inaan xuduudaha dalkan aan saaxiibka nahay dhaawac ka soo gaadhin argagxisada, isla markaana ka taageerno ka hortagooda weerarada argagaxisada.”

Safiirka dawladda Faransiiska u magacaabay inuu wakiil uga noqdo dalka Jabuuti, ayaa xil la wareegistiisu ku ku soo beegmaysaa iyada oo muddo bil ah laga joogo weerarro is-qarxin ah oo kooxda Al-Shabaab ka fulisay maqaaxi ku taala badhtamaha caasimadda Jabuuti.

Munaasibadda waxa goob-joog ka ahaa wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Maxamed Cali Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka Faransiiska ee saldhigyada Milatari ku leh gudaha dalka Jabuuti.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories