HomeMadaxweynaha Jabuuti oo Mucaaridka Ku Eedeeyay in ay Dimuqraadiyad Rabaan

Madaxweynaha Jabuuti oo Mucaaridka Ku Eedeeyay in ay Dimuqraadiyad Rabaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Djibouti(SLpost)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay doonayaan fowdo iyo is dhex yaac inay dalka u horseedaan, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad iskugu sharaxayo madaxtinimada dalkiisa.

 

Mr Geelle oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in mucaaradku doonayaan dimoqraadiyad is dhex yaac ah, isla markaana doonaya inay ku dabaqaan sida kuwa caalamka oo kale.

 

“Halka aan ka nimid iyo halka aan maanta joogno, sida ay iyagu doonayaan waa Mucaarad odhanaya dawlad ma jirto, anagu waxaanu arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya, laakiin uma heysano mucaarad inuu yahay kan odhanaya dawlad ma jirto, kuwaa waanu iska qabaneynaa, waliba mucaaradnimadu waxay tahay ayay baranayaan, dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan”ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

 

Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid siyaasad lagu xidhay ama loo dilay isagoo xusay in dalka 16-kii sano horumaro badan gaadhay, balse uu jiro dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.

 

“Dadka Madaxda iyo shacabku waxay ka mideysan yihiin in Caasimadu nabad iyo xasilooni ka jirto, qof shisheeye ama sokeeya laguma dhaco, lagumana dhibaateeyo, cid kasta oo fowdo iyo dhibaata wadana waanu ka hortageynaa”ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti.

 

Mucaaradka Jabuuti ayaa dhawaan ka hor-yimid in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar afaraad uu isu soo sharaxo madaxtinimada dalkaas, kadib muddo 16 sano ah oo uu xukunka hayay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories