HomeMadaxweynaha Jabuuti oo kulan aan ujeeddadiisa la shaacin la yeelanaya Guddoomiyaha Xisbiga...

Madaxweynaha Jabuuti oo kulan aan ujeeddadiisa la shaacin la yeelanaya Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Tuhunnada ku lammaan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Nuxurka Warbixin Wakaalado kala duwani ka qoreen Kulanka dhex-mari doona Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Faysal

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe maalmaha soo socda, xilli uu shaaca ka qaaday inaanay macquul ahayn in Xukuumadda keligeed lagu eego ilaalinta Xuquuqda, balse loo baahan yahay inay dhammaan qeybaha bulshadu kaalinta kaga beegan uga qaadan lahaayeen.

Faysal_GeeleKulanka Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Faysal oo ay baahisey Wakaallada Wararka ee Indian Ocean NewsLetter shalay, ayaan faahfaahin dheeraad ah lagu sheegin marka laga reebo in Eng. Faysal Cali Waraabe yahay dhexdhexaadiyaha Xisbiyada Somaliland.

Hadduu xaqiiq noqdo kulanka Madaxwyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo horteed barta Wargeyska Hubaal lagu baahiyey dano kala duwan oo Xukuumadda Jabuuti ka doonayso in looga fuliyo Somaliland sidii ay ugu qancin lahayd Xisbiyadda Mucaaradka, ka dib markii hore ay isugu khilaafeen Madaxweyne Siilanyo xilli uu booqasho soo maray Jabuuti.

Wararka lagu baahiyey mareegta Hubaal ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) hore xidhiidh u dhexmaray dawladda Jabuuti  u ballan-qaaday inuu fulin doono danaha ay ka leeyahiin Somaliland, beddelkeedana taageero dhaqaale u siin doonaan, inkastoo aanay labada dhinac midkoodna beenin xaqiiqada warkaas.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayey Xaflad lagu xusayey maalinta Xuquuqda Aadamaha tobankii bishan aynu ku jirno oo lagu qabtay Jabuuti, ayaa sheegay “Xuquuqal Iinsaanku waa caalami, balse maaha sida dadka qaarkood u haystaan inay tahay culays waddamada reer Galbeedka ku khasbaan dalalka soo koraya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Mar uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ka hadlayey muhiimadda Xuquuqda Aadamuhu leedahay, ayuu sheegay inuu yahay mid caalami ah oo qof walba la doonayo inuu ilaaliyo, si xaqiisa loo ilaaliyo, waxaanu yidhi; “Waxa jirta xaqiiq muuqata, balse xilli walba aan sheegno. Xuquuqul insaanku waa caalami. Waxaan ugu celinayaa, inaan meesha ka saarno fikir dadka qaarkii u arkaan in ilaalinta xuquuqal insaanku tahay culays waddamada reer Galbeedku ku khasbaan dalalka soo koraya.”

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inaanay macquul ahayn in Xukuumadda keligeed lagu eego ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, balse loo baahan yahay inay dhammaan qeybaha Bulshadu kaalinta kaga beegan ka qaataan, waxaanu yidhi; “Xukuumaddu ma noqon karto, mana ahaanayso keligeed mid lagu eego wax ka qabashada Xuquuqal Iinsaanka, laakiin ilaalinta xuquuqdu waa inay gaadhaa dhammaan Weelasha Bulshada, sida Ururrada bulshada rayidka ah iyo Ururrada kale, hoggaamiyeyaasha Culimada iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka. Sababtoo ah, bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan waajib ballaadhan ayaa ka saaran gudashada xilkooda ilaalinta Xuquuqda Bani’aadamka.”

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories