HomeMadaxweynaha Jabuuti oo ka warramay Dacwad ay iskula jiraan Shirkadda Dekeddooda Maamusha...

Madaxweynaha Jabuuti oo ka warramay Dacwad ay iskula jiraan Shirkadda Dekeddooda Maamusha ee Dubai World oo lagu wareejinayou Marsada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

GeelleDjibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shaaca ka qaaday in Shirakdda Dubai World oo Maamusha Dekedda Jabuuti si cad u diidday Ganacsato Shiine ah oo ay dawlad ahaan Saamigii ay lahayd ee Dekedda ka iibisay 15%- (shan iyo toban boqolkiiba), isla markaana ay Maxkamad ay muddo iskula jireen Shirkaddaas iyo dawladdiisu ka socoto Maxkamad ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, lana filayo inay bisha October ee sannadkan go’aan soo saarto, waxaanay Shirkaddaasi ka mid tahay Shirkadaha u ordaya in lagu wareejiyo Maamulka Dekedda Berbera ee Somaliland.

Ismaaciil Cumar Geelle oo u waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey Wargeyska Jeune Africa, waxa uu ka hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen, khilaafka u dhexeeya Shirkadda Dubai World, xidhiidhkooda xumaaday Faransiiska iyo qodob ku jiray heshiiskii ay Maraykanka ku siiyeen fadhiisinka Ciidan ee Jabuuti ku yaalla. Waxaanu sheegay inaanu Faransiisku wakhtigan u xiiso qabin Jabuuti.

Waraysigan oo luqadda Ingiriisiga ku qornaa balse uu Afka Soomaalida ku tarjumay Wargeyska Himilo oo aanu ka soo xigannay qaybo ka mid ah wargeysiga, ayaa Madaxweyne Geelle oo la weydiiyey inay Maamulka Dekedda oo ay Maamuli jirtay Shirkadda Dubai World ay hadda dawladda Jabuuti geliyeen oo ay qayb Maamusho iyo waxa taa keenay, waxa uu yidhi; “Aan sharraxo, illaa maanta Dubai World way maamushaa Dekedda Jabuuti, laakiin waxaan ka codsannay in la saxo heshiiska noo dhexeeya, si maamulka sare aan cod u dhigma saamiga aan leenahay u helno. Markii ay diideen inaan wada-xaajood ka yeelanno waxaan ka iibinnay Boqolkiiba 15% saamigayagii Ganacsato Shiine ah, balse weli Dubai World way diiddan yihiin in Shiinuhu soo galo Maamulka, Dacwaddii waxay ku jirtaa Maxkamad London ah, oo go’aan ka soo saari doonta horraanta Oktoobar. Xilligan Dubai World ayaa maamusha Dekedda, laakiin xaaladdu weligeed sidaa ma sii ahaan doonto.”

Faransiisku wuu joogaa Jabuuti, intaasi miyaanay idinku filayn marka laga yimaado khilaafka idiin dhexeeya shirkada Total oo la weydiiyey ayuu yidhi; “Ma filayo maalgashi yar iyo booqasho la’aanta Wasiirrada Faransiiska. Hore Wasiirka Gaashaandhigga Jean-Yves Le Drian, ayaa ballan-qaaday inuu booqasho ku iman doono, laakiin weli meelo kale ayuu ku mashquulsan yahay, waxay u muuqataa inaan Faransiisku xiiso badan u hayn Jabuuti.”

Mar la sii weydiiyey inay Madaxweynaha Faransiiska bishii hore kulan ku wada yeesheen dalka Sucuudiga, iyo sida uu dareenka uu hadda qabo ugu muujiyey iyo inaanu u muujin, waxa uu ku jawaabay Madaxweyne Geelle; “Xaaladdu iskama imanayso. Waxaan ka wadahadalnay argagxisada, wuxuu I weydiiyey xaaladda Soomaaliya iyo Yemen, inkastoo shaki jiro, weli saaxiibbo ayaannu nahay.”

WARAYSIGAN OO DHAMMAYSTIRAN HALKAN KA AKHRISO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories