HomeMadaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Hab-dhaqanka Dibin-daabyooyin hay’adaha Qaramada Midoobay ku hayaan...

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Hab-dhaqanka Dibin-daabyooyin hay’adaha Qaramada Midoobay ku hayaan ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Minneapolis (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horeysay ka hadlay hab-dhaqannada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamku u marin-habaabiyaan baahiyaadka dhaqan-dhaqaale ee ka jira dalkaasi Soomaaliya, isaga oo xusay in sifooyin khaldan looga faa’idaysto taakulooyinka ay qaadhaan-bixiyeyaashu ugu yaboohaan dalkaas.

Madaxweynaha Jabuuti oo dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xidhaysa dalkiisa iyo magaalo-xuduudeedka Somaliland u dhaxaysa ee LawyacaddoIsmaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in beesha caalamku aanay sideeda uga soo bixin ballan-qaadyo malaayiin dollar ah oo hore loogu yaboobay dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxaanu carrabaabay inay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ay ku yaalaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Somaliya, ay noqoto meel lagu lunsado dhaqaalaha loogu talo-galay umadda Soomaaliyeed iyo in qaybo ka mid ah adeegyadii ay ahayd gudaha Soomaaliya in laga hawl-galiyo ay gacanta ku hayaan hay’ado laga leeyahay waddamo shisheeye, kuwaas oo ay ka mid tahay maamulka hawada sare.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sidan ka sheegay munaasibad ballaadhan oo jaaliyadaha Reer Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ugu qabteen magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka, waxaanu ugu horeyn dadkii ka qayb-galay xafladdaas u jeediyey dar-daaran ku aaddan dhismaha dalkaasi Somaliya iyo taageeradiisa, waxaanu yidhi, “Kheyr waxaad waddanka u taraysaan, dad baaba’aybaa dul-jooga oo leh kan ka erya meesha, waar qarankiibaa la raadinayaaye, maxaad qofkan walaalkaaya u sheeganaysaa. Annaga Dedaalkayagu waxa weeyi dusha inaanu ka ilaalinno. In aanu Soomaalida wixii aanu ku odhanayno ku nidhaahno, waxa ay wax ka kharriban yihiinna inay noo tilmaamaan weeyi.”

Md Geelle oo ka hadlayey hab-dhaqanka beesha Caalamka iyo burburka Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxaan idhi Soomaaliya waxay doonaysaa wixii loo ballan-qaaday. Waxa la yidhi Soomaaliya waxa la siiyey Saddex Bilyan oo Dollar, laakiin cid aragtay maad leedihiin, waa maya. Markaa marka waddanka la dhisayo Xoolahaa lagu dhisaa. Qaramada Midoobay wixii ay lahayd xafiis oo dhan, Nayroobi bay iskala fadhiisatay, xitaa hawadii iyo meeshii laga maamulayey, waxa laga dhigay Nayroobi.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo si gaar ah ula hadlayey jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan Minnesota, waxa uu hadal duur-xul ah oo uu ku dhaliilayo ugu gudbiyey inay xukuumaddiisa ka joojiyaan mucaaradnimada dib-joogga ay ee ay u muujiyaan siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka ah iyo taageerada qabiilka ku dhisan ee ay la garab-taagan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories