HomeMadaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Dacwadda DP World "haddii Magdhow la doonayo...

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Dacwadda DP World “haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu…”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay Dacwad dhaxaysa dowladiisa iyo Shirkadda DP World, taas oo gaadhay maxkamad ku taala magaalada London oo dhawaan soo saartay go’aan u xaglinaya shirkadda. 

blank
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweyne Geelle oo Waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Dacwad ay Shirkadda DP World ka gudbisay Dawladda Jabuuti aanay ahayn mid macno leh oo waxyeelo u geysan karta maadaama aanay iyagu goob-joog ka ahayn maxkamadda.

“Maxkamadda ay sheegayaan Shirkadda DP WORLD mid Annaga na qabata maaha, Maxkamad aanad Adigu u joogin wax ay kaa qaadi karto ayaa iska yar,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Madaxweynuhu waxa sheegay in Shirkadda DP World ay Dekedda Dooraale ee Jabuuti ku leedahay Saami dhan 33%, haddii ay shirkaddu ka noqonayso heshiiskii shuraakadaha ahaa ee u dhexeeyeyna ay diyaar u yihiin inay siiyaan Magdhow.

“Annagu wanaag iyo niyad-sami waanu la joognaa, inay 33% ku  lahaayeen Dekeddaana waanu qiraynaa, Annaguna aanu 67% lahayn waanu qiraynaa, laakiin waxan ay Warbaahinta ka wadaan malaha wax kale ayay doonayaan oo maaha dad wanaag doonaya, maaha Dad doonaya in Shuraakadii la soo celiyo,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mar uu ka hadlayey mowqifka ay dowlad ahaan ka taagan yihiin iyo sida ugu fudud ee muranka u dhexeeya lagu soo af-jaro karo, waxa uu sheegay, “Annagu haddii Magdhow la doonayo diyaar baanu u nahay, laakiin Gobanimadayadu tu la iibinayo maaha,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories