HomeMadaxweynaha Jabuuti Oo Ka Haday Mucaaradka Ku Kacsan, Qaladaadka uu Galay Intuu...

Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Haday Mucaaradka Ku Kacsan, Qaladaadka uu Galay Intuu Xilka Hayay iyo Dhaqaaaha Ay Ka Helaan Ciidamada Shisheeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Jabuuti(SLpost)-Madaxweyneha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waraysi laga qaaday kaga hadlay mucaaradka ku kacsan,khaladaadka uu galay intii uu xilka hayay qaar ka mid ah iyo caynka uu yahay dhaqaalaha ay ka qaadaan ciidamada shisheeye ee degan Jabuuti.

Waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan“Wax badan oo faan ah hadaan la odhanayan waxii aan islahaa wadanka way utaraysaa ama waajib ahaa ee igu aadanaa waan qaldami karaa waanan gaabin karaa laakiin waxaan is leeyahay wadan la qiimeeyo oo Afrika,Carabta iyo Islaamkuba oo la dhagaysto oo dadkiisana dhibaatooyin dhaqaale ha haystaane hadana soo toosaya ayaan isleeyahay wad jogta.

Madaxweyne Ismaaciil oo la waydiiyay inay jiraan khaladaad uu sameeyay intii xilka hayay ayaa ku jawaabay”Way jiraan oo dadkaan u yeeshay aaminaada sare oo dhibaatooyin dalka soo gaadhsiiyay ayaa ka mid ah kuwaan is leeyahay waad ku qaldantay oo waxay ahayd in markiiba aan madaxa ka qabto ama aan iska ilaaliyo ayay ahayd, wadanku kaligii ma noola ee deegaan aad ku nooshay ayaa jira oo raadayn ayay kugu samaynayaan waxii hareerhaaga jiraa, sidaad uga dhex guuri lahayd ee dalkaaga aad uga badbaadin lahayd dhibaatooyinkaa soo gaadha wadamo kale ama dhacdooyin.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Halka aanu ka soo bilownay iyo halka aanu joogno iyo mucaarad yidhaahda dawlad way qaldantay waanu aragnaa, dawladu ma jirto mucaarad yidhaahda anagu ma ogin kaasna isaga uma haysano mucaarad, waxaas waanu kugu dhaliilayaa waxaasna waad samaysay ayaan fahmayaa oo aan u haystaa dad ka qaybgalaaya horumarkiin iyo dhismahii wadanka, kuwanise iyaduba wali waxay baranayaa mucaaradadu waxy tahay,waxay leeyihiin dimuqraadiyadu waa siday Faransiiska iyo Barasalis ay ku arkeen fawdada iyo isdhexyaaca aniguna waxaas ma yeelayo, qof siyaasad lagu xidhay iyo mid la dilayba ma hayno, qof rayigiisa inta gurigiisa loogu tagayna ma hayno, waxaasina waa xurmada qofka aadamaha ah, marka uu muwaadin yahayna kaba sii daran, laakiin haduu damacsan yahay qas iyo meeshaas ayaan doonayaa ka kac oo aniga ayaa ku fadhiisanaaya uu hadalkiisu yahay lama yeelayo ee waxa uu doonayo ha yidhaahdo oo waxa uu doonayo haysku sawiro oo waxa uu doonayo hawdiro faranjiga, laakiin anagu waxaanu yeelayno maaha, dadka madaxda ah iyo shacabkuba waxaanu ka midaysanahay inaan dalka ka badbaadino dibaatooyin oo aanu ka badbaadino qas, waxaanu ku noolnahay ee hanti ah waa nabada iyo deganaashaha, hadii qofkii aadamaha ahaa ee ganacsiga lahaa ee dalka ku nool ama shisheeye aha ahaado ama sokeeyee aanu ka badbaadi karin in meeshiisii la dhaco in dariiqa lagu dilo oo la dhibaateeyo, hadaanu hubin inuu dalka ku noolaanayo nabad iyo xasilooni anigu waxaan meesha ka samaynaayo ma garanaayo oo waajibaadkayga ugu horeeya weeye, markaas maxaa lagu odhan mucaaradbaa hadli hebel ayaa hadli waxba igagama jiraan, shacbigana waxaan ugu dhaartay inaan nabad iyo xasilooni aan u keeno oo badbaadiyo siday nolashoodu u dhantahay ka miskiinka ah iyo ka wax haystaba.”

Madaxweye Geele oo la waydiiyay dhaqaalaha ay ku qabaan ciidamada shisheeye ee degan jabuuti waxa uu yidhi”Dakhligu macne uu leeyahay ma jirto markad aad xisaab ahaan eegto

 Bajadkayaga boqolkiiba tobana maaha waxaanu nagu u samaynayno ee cashuur dhaaf ah ayaa ka badan, waxa aan kuu sheegayaa in dalkeenu uu noqdo wadan la ictiraafan yahay, la ixtiraamo oo ka qaybgalaaya nabadgalyada aduunka iyo la dagaalanka xagjirka,budhcadbadeeda iyo nabadgalayda guud ee aduunka sidii aanu qaybteena uga ciyaari lahayn, maaha lacagbaad ka helaysaan.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories