HomeMadaxweynaha Jabuuti oo Cabsi uu ka Qaaday Kacdoonnada Carabta Ugu Dhawaaqay in...

Madaxweynaha Jabuuti oo Cabsi uu ka Qaaday Kacdoonnada Carabta Ugu Dhawaaqay in aanu Mar Dambe Isku Sharrixi doonin Madaxtinimada Dalkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dhawaaqay in aannu mar kale isku sharixi doonin madaxtinimada dalkaas oo uu soo qabtay saddex jeer oo isku xiga ilaa 1999-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi dheer siiyey wargeyska Sharqul-awsad oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska dhawaan, waxa uu ku  shaaciyey in sababta uu u go’aansaday in aannu mar dambe isku sharixin madaxtinimada dalkiisu la xidhiidho kacdoonadii ka curtay wadamada Carabta oo galaaftay hoggaamiyeyaal badan, iyadoo muddada madaxtinimo ee Ismaaciil Cumar Geelle ku egtahay sannadka 2016.

Geelle“Waxaan qabtay xilka markii uu ka dagay madaxtinimada madaxweyinihii hore ee Xasan Guuleed Abtidoon, isbeddelkaasoo ku dhacay si nabadgelyo ah, kumana talo jiro in aan ku sii dheganaado xukunka, kumana tallo jiro in aan markale isa soo sharaxo markay dhammaato muddadayda oo ku eeg ilaa sannadka 2016, balse ilaa muddadaydu dhammaanayso waan sii haynayaa xilka ay ii dhiibteen shicibkaygu, annagoo ka mid ah dawladaha yar ee nabadgelyada iyo deganaanshuhu ka soo jirtay, kuna darsanay dimuqraadiyad, taasoo asal u ah nidaamka xukunkayaga,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda dalka Jabuuti, kadib kacdoonadii ka dhacay dalalka Carabta.

Madaxweynaha Jabuuti oo sababeeyey waxyaabaha ku dhaliyey in aannu mar dambe isku sharaxin tallada dalkiisa, waxa uu yidhi; “Annaga namay saamayn kacdoonadii gilgilay dalalka Carabta oo xaaladayada dhaqaale way degan tahay, dimuqraadiyadana hore ayaannu u qaadanay, qof kastaana waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato doorashooyinka, habka xukunkana waannu daadajinay iyadoo la dhisay maamulo inta badan qabta hawlaha gobolada iyo degmooyinka, waxa kaloo aannu awooda saarnay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, dadkayaguna waxay ogyihiin inay doorasho ku beddeli karaan madaxdooda, diyaarna uma aha inay qas iyo kacdoon wax ku beddelaan, laakiin anniga oo ka faa’iidaysana kacdoonnadaas iyo isbeddeladaas diyaar uma ihi in aan mar kale isa soo sharaxo sannadka 2016, waxaanan jidka u bannaynayaa inay da’yarta iyo dhiigga cusub qabtaan tallada dalka.”

Waxa kale oo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaga hadlay waraysigiisa xaaladda ka taagan mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo rabshadaha ka aloosan dalka Yemen, isagoo sheegay inay Jabuuti barbar taagnaanayso wadanka Yemen si uu u helo xasilooni, ugana baxo qalalaasaha ka taagan.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories