Home"Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay ixtiraamaan Shacabka Karaameeyey..." Bayaan ay...

“Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay ixtiraamaan Shacabka Karaameeyey…” Bayaan ay soo saareen Madal mideysay Qurbe-joog

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-  Gole ay ku midaysan yihiin Dhalinyaro Qurbe-joog ah oo isugu jira qoonyahan iyo Arday ku kala nool Waddamada Yurub iyo Woqooyiga Maraykanka, ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay baaq ugu jeediyeen Dhinacyada siyaasadda Somaliland muranka ka taagan doorashooyinka Dalka.

Bayaan waxa baaq loogu diray Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga Waddani iyagoo ku boorriyey inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka isla markaana la soo afjaro muranka siyaasadeed ee taagan si doorashooyinka wakhtigooda uga qabsoomaan dalka.

Bayaanka ka soo baxay Madasha oo magaceeda loo soo gaabiyo SOGDIF,  isla markaana nuqul kavmid ahi soo gaadhay somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan: –

 

“Madasha Somaliland Global Diaspora Forum, oo ay ku bahoobeen qurbe-joog reer Somaliland ah oo isugu jira, xubno u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, aqoonyahanno iyo arday ku kala sugan illaa 7 dal oo kala geddisan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Faransiiska, Jarmalka, Holland, Lubnaan iyo Qadar, waxay ka wada hadleen  xaaladaha ka jira gudaha Somaliland ee taabanaya nolosha bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa ama debeddiisaba:

Ø  Maadaama qurbe-joogtu ay yihiin cidda ugu badan ee dhaqaalaha u dirta dalka, isla markaana lacago badan ugu deeqay xisbiyada siyaasadda xilliga ay ku jiraan ololaha doorashada.

Ø  Maadaama oo kala qaybsanaanta ka jirta guduhu si weyn u saamaysay, bulshada reer Somaliland ee ku nool qurbaha, inta kala qaybsanaantaasi ka jirto gudahana, ay adkaanayso in la mideeyo bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku nool ee isku danta ah.

Ø  Maadaama oo ujeedada ugu weyn ee golahan loo yagleelay ay tahay, in lagu taageero horumarka Somaliland iyo inuu ahaato qaran wakhti dheer sii shaqeeya, oo aqoonsi ka hela beesha caalamka, si hadafkaas loo gaadhona ay muhiim tahay in la helo bulsho midaysan,

Waxaa xubnaha golaha u caddaatay in laga shaqeeyo tallaabo kasta oo lagu hagaajin karo, wada noolaanshaha bulshada reer Somaliland ee gudaha, si wadamada debeddana looga helo bulsho midaysan, oo si wada jira ugu adeegi kara horumarka Somaliland.

Qodobada ugu muhiimsan ee Somaliland haatan horyaalla ayaa ah, in la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada si loo helo, ugu yaraan golayaal haysta taageeraada bulshada, isla markaana bedeli kara golayaasha haatan jooga ee xilku ka dhamaaday kuwaas oo aan haysan kalsoonidii shacabka soo doortay, haddaba Xubnaha Golahani:

Ø  Waxay u arkaan inay muhiim tahay in Somaliland ay qabato doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, si bulshadu fursad ugu hesho inay soo doortaan golayaal metela oo codkooda ku fadhiya.

Ø  Waxay aad uga xun yihiin in muran la geliyo xulista xubnaha guddida doorashada, iyada oo marka horeba ay ahayd in xulistoodu ay ka madax banaanaato shakhsiyaadka tartamaya.

Ø  Waxay aad uga xunyihiin, in Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha sharciga dalka inuu soo magcaabo xubno, lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Xisbiyada siyaasadda, iyada oo sharcigu arrintaas aanu ogolayn.

Ø  Aad uga xunyihiin, in Xisbiga Waddani, inuu ku degdego, qorista waraaq uu ku hakinayo ansixinta xubintii ka socotay xisbigiisa, tallaabadaas oo aan taageerayn dardargelinta qabsoomidda doorashada, hase ahaatee ay ahayd inuu jid kale oo taageeraya qabsoomidda doorashada u maro, aragtida uu qabo xubnaha uu eedaynta u jeediyey.

Haddaba Xubnaha Goluhu waxay ugu baaqayaan

Ø  In Madaxweynaha iyo xisbiga waddani ay tanaasul u muujiyaan bulshada Somaliland ee ku ixtiraamtay inay hormuud siyaasadeed u noqdaan, haddii ay hoggaanka siyaasaddu eegaan danohooda oo keliya, waxaa imanaysa xilli bulshadu ka aamin baxdo hannaanka doorashada iyo qori isu dhiibka Somaliland, waana arrin halisteeda leh.

Ø  In madaxweynaha oo ah xafiiska keliya ee sharci ku fadhiya, maadaama golayaashii kale ee la dooranayey dhammaantood ay ku fadhiyaan muddo dhaaf, ama qaarkood aanay wax sharci ahba ku fadhiyin sida golayaasha deegaanka oo wakhtigoodii dhamaaday 28/04/2019, iyada oo aan loo samayn wax muddo kordhin ah, haddana ay weli shaqada sii wadaan. Haddaba madaxweynaha waxaa la gudboon inuu tanaasulo oo ka shaqeeyo in doorasho dalka ka dhacdo, “…madaxweyne 19 bilood ayaa lagu muransanaa arrinta komishanka, iyada oo aan dhinacna tanaasul muujin, haatanna waxay taladii ku soo gebagebowday, sidii aad aragti ahaan qabtay, haddaba mudane madaxweyne haatan adigu tanaasul muuji oo ka shaqee in doorasho dalka ka dhacdo…”

Ø  Waxaan uga digaynaa in golaha Guurtidu sameeyaan wax muddo kordhin ah. Wakhtiga doorashadu dhacayso, waxaa habfarsamo u soo gudbin doona guddida cusub ee doorashada, marka ay xilka la wareegaan.

Ku Saabsan Golaha:

Somaliland Global Diaspora Forum oo loo soo gaabiyo SOGDIF waa madal dhexdhexaad ah oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah aqoonyahanka, xubno u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Bulshada, iyo arday ku kala nool Maraykanka, Canada, Asia iyo Yurub. Madashan ayaa ujeedadeeda ugu weyni ay tahay in dedaallada laga wado wadamada debedda ee ay ku nool yihiin bulshada Somaliland inay noqdaan kuwo xidhiidh la leh, hawlaha ka socda dalka gudihiisa, isla markaana codka qurbe-joogtu uu noqon karo mid saamayn ku leh hawlaha dalka gudihiisa ka socda, maadaama oo ay yihiin cidda dhaqaalaha ugu badan ku taageerta bulshada Somaliland iyo xisbiyada dalka ka arrimiya xilliyada ay ololaha doorashada ku jiraan, sidoo kalena duruufaha ka jira dalka gudihiisu ay saamayn weyn ku yeesheen bulshada reer Somaliland ee ku nool wadamada qurbaha. Inta kala qaybsanaantu ka jirto gudaha dalka, waxaa sii jiraya kala qaybsanaanta dhextaalla bulshada reer Somaliland ee wadamada debedda.

Golahan oo xidhiidh soke la yeelanaya bulshada rayidka ah ee ka hawlgasha gudaha Somaliland ayaa ka shaqayn doona, taageeridda Dimoqraadiyadda, Xorriyadda Hadalka iyo Arrimaha bulshada reer Somaliland eek u nool wadamada qurbaha.

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh

Khadar Axmed Xasan

Xidhiidhiyaha Golaha

France

GlobalSomaliland@gmail.com

Twitter: @GlobalDiaspora1

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories