HomeMadaxweynaha iyo Saddexda Xisbi-Qaran oo Ka Arrinsaday Arrimaha Doorashooyinka iyo Qodobbada laysku...

Madaxweynaha iyo Saddexda Xisbi-Qaran oo Ka Arrinsaday Arrimaha Doorashooyinka iyo Qodobbada laysku af-gartay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan saddex-geesood ah oo lagaga arrinsaday Arrimaha doorashooyinka, ayaa maanta madaxtooyada ku dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi-qaran.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd sii-anba qaadista heshiis hore u dhexmaray saddexda Xisbi-qaran oo dhowaan xal ka gaadhay is-afgaran-waa qabsoomidda doorashooyinka ah, kaas oo ku saabsan kordhinta xubnaha Guddiga doorashooyinka, balse waxa heshiiskaas is-hortaagay Golaha Wakiillada oo fadhi gaar ah ka yeeshay arrintan.

Haddaba arrimaha lagaga hadlay kulanka waxa lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame, waxaanu war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen.

Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano,  sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen.

Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019 kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001″.

 

https://youtu.be/luw6nxZZTBY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories