HomeMadaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore ka Galay Tartamo...

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore ka Galay Tartamo Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga (NNKHA)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta galab qasriga madaxtooyada ku qaabilay Arday ka kala socotay gobollada dalka oo ku guulaysatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo Xukuumaddu maal-galisay.

Kulankan sida la sheegay ahaa mid aan dalka hore uga dhicin, waxa uu ahaa mid xagga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa tartan loo galo xifdiga Qur’aanka Kariimka ah, waxaana halkaas abaalmarinno lagu guddoonsiiyey tartamayaashii ku guulaystay kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool, ayaa la guddoonsiyey baabuur noociisu yahay Indha-caddaha oo ah oo ku diiwaan-gashan Numberkii ugu danbeeyey, Lacag iyo Kutub.

IMG_9423Ardayga kaalinta labaad ku guulaystay oo magaciisa la yidhaahdo Mahad Cali Xuseen kana Gobolka Maroodi-jeex, ayaa la guddoonsiiyey Laptop, $1,000 (Kun Dollar) iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin Kutub iyo Saacado.

Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale, waxaana la guddoonsiiyey Abaal marin ah $800 iyo Telefoonka Gacanta nooca Samsung Galaxy 3 iyo Hadyado kala duwan, halka Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday gobolka Togdheer, la guddoonsiiyey Kitaab Tafsiir ah, $500 (Shan boqol oo Dollar), Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.

IMG_9383Dhanka kale,Madaxweyne ku xigeen Somaliland Md Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta soo xidhay tartanka Axaadiista iyo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee Hargeysa, kaas oo ay Arday ka socotay gobollada dalku ku tartamayeen 30-ka Jus,20 jus iyo 10 ka Jus ee Qur’aanka Kariimka.

Tartankan oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee lagu tartamo Axaadiista isla markaana Kulan Afur iyo Casho ah loo qabtay Gunaanadkiisa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ayaa madaxweyne ku-xigeenku halkaas waxa uu abaal-marinnadii ay mutaysteen kala ardaydii kaalmaha hore ka galay tartanka oo isugu jiray Hablo iyo Wiilal.

SOMALILNADPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories