Home“Madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda ee...

“Madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda ee Madax-dhaqameedoow…” – Gud Guurtida

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa jawaab ka bixiyey hadallo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo xukuumadda ku eedeeyey inay ka gaabisay wada-hadallada Soomaaliya, sidaas awgeedna ay madax-dhaqameed ahaan soo faro-geliyaan isla markaana ka qayb-qaadanayaan wada-hadallada labada dhinac.

blankHadalka ka soo yeedhay madax-dhaqameedka arrintan ka hadlay, waxa soo dhaweeyey qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Soomaaliya oo ku bogaadiyey go’aanka ay shaaciyeen madax-dhaqameedka Somaliland, iyadoo arrintaasi loo arkay olole siyaasadeed iyo qorshe ay dabada ka riixayso dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Haddaba, guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo arrintaas daba-socda, waxa uu ugu horrayn shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan wada-jirkooda iyo midnimadooda isla markaana ka dheeraadaan tafaraaruqa dhexdooda ah.

“Waxa qudha ee aynnu maanta dugsannaa waa midnimadeenna, 29-kaa sannadoodna midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, ictiraaf la’aanta midnimadeennaynu kaga soo gudubnay, wax aynnu u noqonnayna ma jiro, intaa aynnu isku duubannahayna wax ina yeeli karaa ma jiro,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlayey kulan maanta madaxtooyada ku dhexmaray madaxweynaha, madaxda xisbiyada mucaaradka iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo Wakiillada.

Guddoomiyuhu waxa uu farriin u diray madax-dhaqameedka dalka ee ka hadlay arrimaha siyaasadeed ee ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya, isagoo sheegay in wixii wada-hadal ah ay bulshadu u igmatay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee shacabku doortay.

“Qarankani cid buu doortay, hawl walba cid buu u doortay, madaxweynaha iyo ciddii uu talo moodo ayaa qarankan wax u tidhaahda, labada golena uma yidhaahdaan, madax-dhaqameedow idinkuna uma tidhaahdaan, aqoonyahan dibad meerayaana uma yidhaahdo, nin kale oo siyaasi sheegtay oo meelahaas meermeerayaana uma odhanayo’e qaranka waxa u yidhaahda madaxweynaha,” Sidaas ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories