HomeMadaxweynaha Ireland oo Qasrigiisa ku Qaabillay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Ireland oo Qasrigiisa ku Qaabillay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dublin(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud.  Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas  ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkan Ireland.

 

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland  Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland,  waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen  ahaa uu u dhaxeeyo  labada Waddan  iyo labada Ummadood, waxaana uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u yahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub,  kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay taariikhda hoggaamineed iyo dadaalkiisa shakhsinimo ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga  oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna  kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

 

Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo  Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay  taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories