HomeMadaxweynaha Iran oo Sheegay in Shareecada Islaamku Xaaraantimaysay Haysashada Hubka Nukliyeerka

Madaxweynaha Iran oo Sheegay in Shareecada Islaamku Xaaraantimaysay Haysashada Hubka Nukliyeerka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Iran(SLPOST)Madaxweynaha dalka Iran Mr. Hassan Rouhani, ayaa shaaciyey in dalkiisu aannu ku hawlanayn samaynta iyo haysashada hubka sida xun wax u gumaada ee nukliyeerka, isagoo xusay in shareecada islaamku xaaraan ka dhigtay haysashada hubkaas.

hassan Rohani

Dawladaha reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Israa’iil, ayaa cabsi weyn ka qaba in dawladda Iran ku hawlan tahay sidii samaynta hubka nukliyeerka, iyadoo arrintaasi sababtay in dhawr jeer cunaqabatayn kala duwan la saaro Iraan si cadaadis loogu saaro in aanay hantiyin hubka nugliyeerka.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey telefishanka Al-jazeera iyo wakaaladda wararka ee AP, madaxweynaha Iran oo hadal u jeediyey saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca dalkiisa, ayaa sheegay inay aad u fududahay in dalka Iran samaysto hubka khatarta ah ee sida xun wax u gumaada, balse waxa uu tilmaamay in shareecada islaamku ka hortaagan tahay inay hubkaas samaystaan.

“Ma raadinayno in aannu helno hubka khatarta ah ee wax gumaada, taasina waa khad cas oo aanan ka gudbayn. Haddii Iran hubkaas doonayso si dhibyar ayey u samaysan kartaa. Hubka wax burburiya ee kiimikalka iyo bayoolojiguba (Chemical and biological weapons) aad buu noogu sahlan yahay in aannu samaysano, laakiin caaqiidadayada, diintayada iyo iimaankayaga ayaa nagu waajibiyey in aanan raadsan ama samaysan hubkaas halista ah ee nugliyeerku ku jiro,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Iran.

Waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Iran xilligan loo qorsheeyey hannaan nabadgelyo iyo xasillooni ah oo lagula dhaqmo beesha caalamka, isagoo arrintaas ka hadlayna waxa uu yidhi; “Siyaasadda khaarajiga Iran waxa lagu saleeyey in la dabciyo xiisadaha colaadeed, lana dhiso kalsoonida u dhexaysa Iran iyo dalalka adduunka, tallaabadanna maaha mid xeelad siyaasadeed ah, hase ahaatee waddanka Iran ma doonayo in wax xiisad iyo colaado ah dhexmaraan caalamka, laakiin arrintaasi maaha mid aannu kaga tannaasulayno sharafta, madaxbannaanida, danaha iyo qiimaha dalkayaga Iran.”

Xiisaha iyo xaaladihii colaadeed ee u dhexeeyey Iran iyo waddamada reer galbeedka, ayaa xilligan wax weyn iska beddeleen markii uu xilka madaxweynenimo ee dalkaas loo dhaariyey Hassan Rouhani oo ah siyaasi qunyar-socod ah, iyadoo arrintaasina keentay in wadahadalo la xidhiidha hubka nukliyeerka u bilawdaan Iran iyo waddamada waaweyn ee adduunka.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories