HomeMadaxweynaha Iiraan oo Socdaal Maraykanka ka Xanaajiyey ku maraya Dalal Koonfurta Ameerika...

Madaxweynaha Iiraan oo Socdaal Maraykanka ka Xanaajiyey ku maraya Dalal Koonfurta Ameerika ku yaala

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London, 07 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Iiraan Mahmoud Ahmadinjead, oo culays badan ka haysto cuno-qabataynta dhanka dhaqaalaha ah ee reer galbeedka kaga imanaya, ayaa maalinta Berri ah socdaal todobaad qaadanaya ku maraya dalal ku yaala qaaradda Latin America.

Socdaalka Madaxweynaha waxa uu kula kulmi doonaa ninka fekerkoodu meel uga soo wada jeedo siyaasadda Marayaknka ee madaxweynaha dalka Venezuela, Hugo Chavez, ka hor inta aanu sii wadan socdaalkiisa uu ku marayo afar waddan oo qaaradda ku yaala.

blankMadaxweynaha Iiraan ayaa socdaalkiisa ugu horreya ku tagaya magaalada Caracas wakhti dambe ee Berri ah halkaas oo ay uga bilaabmayso socdaal shan maalmood qaadanaya oo maalinta Salaasada uu kaga qayb-galayo munaasibadda dhaarinta madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee dalka Nicaragua, Daniel Ortega.

Waxa kale uu socdaalkiisa ku marayaa Dalalka Cuba iyo Ecuador oo ka mid ah afarta dal ee uu booqanayo kuwaas oo dhammaantood aanu wanaagsanayn xidhiidhka ay la leeyihiin dalka Maraykanka, kuwaas oo hoggaamiyeyaashoodu sannadihii ugu dambeeyey booqasho ku tagayeen dalka Iiraan si ay u kobciyaan xidhiidhada dibloomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi taas oo sababtay inuu sii xumaado xidhiidhkii ka dhaxeeyey xukuumadda Washington.

Agaasimaha Arrimaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Iiraan, Mohammad Reza Forqani ayaa sheegay in booqashadani oo inta badan loogu yeedho ‘Dhiig-ku-kicin Maraykan’ ay muujinayso xidhiidhka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Ismaamiga ee Iiraan la leedahay dunida dhex-dhexaadka ah.

Saraakiil ka tirsan dalka Ecuador ayaa xaqiijiyey in Ahmedinejad booqan doono dalkooda maalinta Khamiista ah taas oo noqonaysa booqashadii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii uu ka qayb-qaatay doorashadii madaxweyne Rafael Correa sannadkii 2007.

Ahamadinejad waxa uu hoggaamiyeyaasha dalalkan Latin America kala hadli doonaa xoojinta xidhiidhkooda iyo qaddiyadaha Caalamiga ah,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Iiraan IRNA.

Dalka Maraykanka ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa uu dalalka Latin America uga digay inaanay sii xoojin xidhiidhka Iiraan ka dhexeeya.

“Iyada oo Iiraan dareemayso cadaadiska ku sii kordhaya, waxay khaatiyaan ka joogaan inay yeeshaan dalal ay saaxiib yihiin waxaanay hadda baadi doonayaan asxaab cusub,” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay Wasaarada Arrimaha dibadda Maraykanka Victoria Nuland oo ka hadlaysa safarka Madaxweyne Ahmadinejad.

Safarka Madaxweynaha Iiraan ee Latin America waxa ku wehelin doona wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Ganacsiga iyo Macdanta iyo Tamarta.

Dibloomaasiyiin ku sugan xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa sheegay in dalalka Yurub ay rejaynayaan heshiis ay ku soo xoojiyaan cuno-qabataynta Saliidda ee Iiraan ay ku hayaan dhammaadka bishan isla markaana ay baadi-doonaan dalal kale oo ay Saliidda ka qaataan.

Sannadkii hore, Saliidda Iiraan ayaa boqolkiiba 5.8 ka ahayd inta ay dibadda ka soo iibsadaan dalalka Yurub, taas oo ka dhigtay dalka Iiraan inuu noqda dalka Shanaad ee ugu badan Saliidda reer Yurub iibsadaan waxaana ka badnaa oo kaliya  dalalka Ruushka, Norway, Liibiya iyo Sucuudi Carabiya.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories