HomeMadaxweynaha Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Deyn-cafinta...

Madaxweynaha Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Deyn-cafinta Baanka Adduunka, Shacabkana baaq u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa si wada-jir ah u soo bandhigay Aragtida Somaliland ee ku aaddan go’aanka uu Baanka adduunku deynta kaga cafiyey Soomaaliya oo aan lagu caddaynin doorkii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas iyo xuquuqdii ay u lahayd in taladeeda wax laga weydiiyo.

blankMd Muuse Biixi Cabdi, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-Waraabe, waxa ay tilmaameen in tallaabada Baanka adduunku u muuqato mid lagu duudsiyey duudsiyey xuquuqdii ay Somaliland ku lahayd go’aan qaadashada tallaabadaas iyo natiijooyinka ka dhalan kara.

Dhinaca kale, saddexda hoggaamiye waxa ay bulshada u diray farriin ay kaga digayaan Xanuunka safmareenka ah ee Covid-19, islamarkaana ka dareen celiyey tallaabadii ay golaha wakiilladu maanta ku diideen labadii xubnood ee axsaabta mucaaradku u magacaabeen Komishanka doorashooyinka qaranka.

Ugu horrayn Madaxweynaha qaranka iyo labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaridka ah oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa meel adag iska taagay tallaabada uu Baanka adduunku ku duudsiyey kaalintii iyo taladii ay Somaliland ku lahayd deyn cafintaas, waxana ay caddeeyeen inay Somaliland tahay qaran madax bannaan oo xaq u leh in gaarkiisa loola macaamilo.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo arrinta deyn cafinta ka hadlay, ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo mid weliba arrimihiisa u madaxa bannaan yahay, islamarkaana haddii si dhab ah loo eegayo shuruudaha dhabta ah ee deymaha lagu bixiyo ay Somaliland xaq u leedahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii cid lacag la siinayo in Somaliland oo maanta nabadgelyo iyo horumar u baxday in la siiyo ayey ahayd, lacagtanna waxa loogu talo galay inay ku ololeeyaan yaryarkaa  Villa Soomaaliya qabsaday. markaa in dadka loo dhuubo oo la waalo ma aha, lacagtaas waxannu leenahay Somaliland wixii la siinayo laba dal oo isu tegay baynnu ahayn oo mid wuu dhisan yahaye in waxayaga saami naloo siiyo ayey ahayd.”

blankGuddoomiye xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhiciisa caddeeyey inuu baanka adduunku ka leexday dariiqii saxda ahaa ee dunida inteeda kaleba kula macaamisho Somaliland oo ah sidii dal u madax-bannaan arrimihiisa masiiriga ah, waxana uu yidhi,  “Sida madaxweynuhu sheegay waxaynnu isku raacsannahay in Somaliland yihiin laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Baankana waxannu leenahay waxa ku  waajib ah inuu ula kala dhaqmo Soomaaliya iyo Somaliland, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliyana 1991-kii baa isugu dambaysay wax-isugu-jirkoodii, inkasta oo aynaan helin ictiraaf, haddana dunidu waxay inoola dhaqantaa Somaliland ahaan, waxannu doonaynaa inuu Baankuna Somaliland ula dhaqmo Somaliland, wixii la siinayona toos loo siiyo oo aan cidna loo soo marin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray  farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,  “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin  oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.”

blankDhinaca kale, madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi-mucaarid waxa ay bulshada reer Somaliland si wada jir ah ugu direen farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana ay kula dardaarmeen in ka hortaggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories