HomeMadaxweynaha Gambia oo si Toos ah Ugu Dhawaaqay in Dalkiisu Yahay Jamhuuriyad...

Madaxweynaha Gambia oo si Toos ah Ugu Dhawaaqay in Dalkiisu Yahay Jamhuuriyad Islaami ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

SLpost- Madaxweynaha dalka muslimiintu u badan yihiin ee Gambia, Yahya Jammeh ayaa maanta shaaciyay in dalkiisa uu yahay Jamhuuriyad Islaami ah, isagoo baabi’iyay dhamaan fasaxyadii dalkaas uu lahaa ee ay gumeystayaashu dajiyeen.

Yahya Jammeh ayaa hadalkan ka sheegay Telefishinka Qaranka dalkiisa, isagoo sheegay in dalkiisa uu wixii maanta ka dambeeya ku dhaqmi doono, xushmeynna doono ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Sidoo kale, madaxweynaha dalka Gambia wuxuu intaas ku daray inaysan jiri doonin wax sharciyo ah oo lagu soo rogi doono sida ay u labistaan shacabka dalkaas, isla markaana loo ogolaan doono dadka diimaha kale haysta ee dalkaas ku nool inay si xor ah u dhaqmaan.

Bulshada ku dhaqan dalka Gambia ayaa 90% ah dad muslimiin ah. Dhaqaalaha dalkaas oo horay uu Ingiriisku u gumeystay ayaa wuxuu intiisa badan ku tiirsan yahay dalxiiska ay u tagaan dalkaas dadka u dhashay dalalka dhaqaalaha leh. Inkastoo xidhiidhka dalkaas iyo kuwa reer galbeedka u dhexeeya uu dhawaanahan ahaa mid sii xumaanayay.

Jammeh ayaa dalka Gambia oo ku yaalla Galbeedka Afrika wuxuu xukumayay 21-kii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo waddamada reer galbeedku ay sanadkii hore ka joojiyeen dalkaas gargaarkii ay siin jireen, kaddib markii la sheegay in xuquuqda aadanaha ay tahay mid aan wanaagsanayn.

“Wadanka Gambia waxaa shacabkiisu ay u badan yihiin Muslimiin, sidaa awgeedna ma sii wadi karno ku dhaqanka sharciyadii ay gurmeystayaashu dajiyeen,” ayuu Yahya Jammeh ka yiri Telefishinka Qaranka dalkiisa, isagoo sharraxayay sababta uu u qaatay go’aanka ah in dalkaas uu yahay Jamhuuriyad Islaami ah.

Jamhuuriyadaha Islaamiga ah ee caalamka ka jira ayaa waxaa ka mid ah; Iran, Pakistan iyo Mauritania oo Afrika ku taalla, iyadoo dalka Gambia ay noqonayso Jamhuuriyaddii labaad oo Islaami ah oo Afrika ku taalla.

Madaxweyne Yahye Jammeh ayaa dalkiisa ka saaray dalalka barwaaqo-sooranka sannadkii 2013-kii, kaddib markii uu ku tilmaamay in ururkan uu sidii gumeyste u dhaqmayo, sidaas awgeedna aysan kasii mid ahaan karin.

Ugu dambeyn, Gambia ayaa shaaciyay sannadkii 2007-dii inay dawooyinka dabiiciga ah u heleen cudurka halista ah ee AIDS-ka.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories