HomeMadaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Britain oo khamiista Booqasho aan La Sii...

Madaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Britain oo khamiista Booqasho aan La Sii Shaacin ku tagaya Libya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Paris, (SLpost):-Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in Ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo xukuumadaha Faransiiska iyo Ingiriiska ka tirsani ay si buuxda ugu xaqiijiyeen wakaaladooda in khamiista ay dalka libya booqan doonaan Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo Raysal Wasaaraha Britain David Cameron, waxaanay wakaaladu cadaysay in socdaalkoodu ku jihaysan yahay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Booqashadan oo sababo ammaan awgeed hoos loogu dhigay ayaa waxa kale oo isna dhiniciisa ka xaqiijiyay hogaamiyaha golaha ku-meel gaadhka Qaranka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil oo qaar ka mid ah warbaahinta caalamku wax ka waydiisay. Sidoo kale wakaaladaha wararka ee Faransiiska ayaa siyaabo kala duwan uga faalooday socdaalka Madaxweynaha Faransiiska ee Libya waxaanay qaar badan oo ka mid ahii baahiyeen xubno ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo tobanaan boolis Faransiis ah oo loo diray Tripoli si ay qayb uga noqdaan hawl galada lagu sugayo ammaanka Madaxweyne Sarkozey, hasa yeeshee waxaan iyadu arrintaa ka hadal warbaahinta Ingiriiska.

War arbacadii lagu faafiyay shabakada wararka Jariirada “Marianne” ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa sheegaya in ciidamadda ammaanka ee dalka Faransiisku u direen magaalada Tripoli 160-askari oo ka hawl gali doona sugitaanka ammaanka madaxweyne Sarkozy marka uu tago magaaladaas. Ma jiraan ilaa wali warar rasmi ah oo ka soo baxay xarumaha looga taliyo dalalka Faransiiska iyo Britain hasa yeeshee waxa si buuxda socdaalka labadan hogaamiye u cadeeyay hogaamiyaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil oo sheegay in Sarkozy imanayo Tripoli maalinta khamiista wallow aanu carabaabin saacada uu rasmi ahaan u imanayo.

Labadan hogaamiye ee reer galbeedka ahii waxay door laxaad leh ka ciyaareen, dagaalkii xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar AlQadaafi, oo diyaaradaha dagaalka ee labada dal maalin walba duqayn u gaysan jireen ciidamadii ka amar qaadanayay.

Sidoo kale dawlada Faransiiska ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday golaha ku-meel gaadhka qaranka ee dalka Libya ee xaruntiisu ahayd magaalada Bangazi, waxaanu madaxweynaha Faransiiska Mr. Sarkozey bishii Jun ku dhawaaqay in hogaanka sharciga ah ee dalka Libya yahay golaha ku meel gaadhka ah, oo wakhtigaas dagaal adag kula jiray Qadaafi.

Faysal Maxamed Xasan

Daralla066@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories