HomeMadaxweynaha Djibouti oo qaatay Tallaalka Ka-hortagga Cudurka Covid-19

Madaxweynaha Djibouti oo qaatay Tallaalka Ka-hortagga Cudurka Covid-19

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta qaatay tallaalka ka-hortagga Cudurka Covid-19, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta dalkaas.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu hormuud ka noqday barnaamij olole caafimaad oo tallaalka ka-hortagga xannuunka lagu siinayo shacabka dalkaas kaas oo maanta ka bilaabmay guud ahaan dalka Djibouti.

blank
Geelle

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxa dhawaan soo gaadhay shixnado tallaalka Covid-19, waxaana la qorsheeyey in kumanaan ruux laga tallaalo cudurkan oo farabaas ku haya caalamka.

Jabuuti ayaa noqonaysa dalkii labaad ee ka tirsan waddamada Jaamacadda Carabta ee tallaalka ka-hortagga Covid-19 la gaadhsiiyo, waxaana ka horeeyey dalka Suudaan oo todobaadkii hore loo geeyey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye ayaa toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay in ololaha tallaalka laba weji loo fulinayo, wejiga horena lagu bilaabayo dadka waayeelka ah, kuwa xannuunada kale hayaan iyo hawl-wadeennada caafimaadka. Halka wejiga labaad ee tallaalka lala sugayo shixnad tallaalka xannuunka Covid-19 oo ay bixisay dowladda Shiinaha, taas oo dhawaan la filayo inay soo gaadho dalkaas.

“Tallaalku waa qayb muhiim u ah xakamaynta faafidda fayraska, si ay xaaladdu ugu soo noqoto sidii caadiga ahayd,” sidaas waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame, waxaanu ku boorriyey dadka loogu tala-galay wejiga kowaad inay isu diiwaangeliyaan qaadashada tallaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories