HomeMadaxweynaha Djibouti oo ka hadlay Xalka Khilaafka Kenya & Somalia iyo Ismaan-dhaaf...

Madaxweynaha Djibouti oo ka hadlay Xalka Khilaafka Kenya & Somalia iyo Ismaan-dhaaf u Dhexeeya Dowladda Farmaajo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Kenya iyo Soomaaliya way ku qasban yihiin inay wada-shaqeeyaan, inay xidhiidh fiican yeeshaan oo ay is-ixtiraamaan oo dadku wax wada-qabsadaan” –  Ismaaciil Cumar Geelle.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaanu sheegay inay labada waddan ku qasban yihiin inay wada-shaqeeyaan soona af-jaraan xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa kale oo uu ka hadlay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aamo ay soo saareen Guddi ka socda dowladda Jabuuti oo urur-goboleedka IGAD u xil-saaray khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, kuwaas oo socdaal indho-indhayn ah ku tagay xadka u dhexeeya labada waddan, kuwaas oo natiijada go’aamadii ay soo saareen ka cadhaysiisay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo dhalleecayn u jeedisay dowladda Jabuuti oo ay ku eedeeyeen inay u xaglisay Kenya.

blankDadka falan-qeeya siyaasadda Bariga Afrika, ayaa go’aanka ay soo saareen Guddiga reer Jabuuti ee ku tilmaamay mid jawaab u ah xidhiidhka Dowladda Soomaaliya la samaysay Dalka Eritrea oo muran dhinaca xuduudka ahi u dhexeeyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo tiraba dhowr jeer iska-hor imaad milatari dhexmaray. Haseyeeshee Madaxweyne Geelle oo arrintaas la weydiiyey, ayaa gebi ahaanba ganafka ku dhuftay aragtidaas, waxaanu sheegay inaanay jirin siyaasad ama aragti kale oo kala fogeyn karta dalka Jabuuti iyo Soomaalida.

Madaxweynaha Jabuuti oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu ugu horeyn ka hadlay xidhiidhka aan wanaagsanayn ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Kenya iyo Soomaaliya way ku qasban yihiin inay wada-shaqeeyaan, inay xidhiidh fiican yeeshaan oo ay is-ixtiraamaan oo dadku wax wada-qabsadaan. Waligoodba way wada noolaayeen, way wada noolaan doonaan. Waxaanu nahay dad wax wada qabsada, khilaafku wuu yimaaddaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayo”.

Md Ismaaciil Cumar Geelle oo la weydiiyey mowqifka Soomaaliya ka qaadatay go’aanka ay soo saareen Guddiga reer Jabuuti ee IGAD u xil-saartay xaqiiqo-raadinta is-maandhaaf dhinaca xuduudka ah oo Kenya iyo Soomaaliya dhexmaray, iyadoo Guddigu sheegay inaanay wax xaqiiq ah u haynin cabashada Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya, taas oo sababtay inay dowladda Soomaaliya ka cadhooto oo eedaymo u jeediso dowladda Jabuuti, dadka qaarkoodna u arkeen inaanay Jabuuti raalli ka ahayn xidhiidhka Soomaaliya la furtay dalka Eritrea oo ay is-hayaan, waxa uu Md Geelle ku jawaabay, “Kkkk Waar Soomaali iyo Jabuuti cid kala kaxayn kartaa ma jirto waa midda koowaade. Ta labaad waxa weeyi, dalab uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya shir-madaxeedkii IGAD ayay arrintani ku timi. Kolkii nala yidhi waar idinkaa ugu dhawe arrintan soo eega, waanu iska diidi kari lahayn, laakiin kalgacalbaanu sidaa u samaynay oo u yeelnay.”

“Waxa aanu soo aragnay iyo wixii aanu qornayna, ragga Soomaaliyeed may akhriyinba runta haddaan sheego, mana garanayo wixii ku dhexjiray meeshaas, shir-madaxeedbaa lala sugayaa oo arrintaas lagu faaqidayaana way ku qoran tahay. Markaa wax loo qayliyey oo loo buun-buuniyey annagu ma garanayno. Waanan iska diiday inaan ka hadalno oo wax jawaab ah la siiyo, waayo dabka haddii la sii huriyo, dhibaato ayuunbuu keenayaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Dalka Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories