HomeMadaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Ha La Yimaaddo Siyaasadda Laba Dal Oo Walaalo...

Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Ha La Yimaaddo Siyaasadda Laba Dal Oo Walaalo Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankDoorashadii Madaxweynha Soomaaliya oo  uu ku guulaystay Xasan Sh Maxamuud ayaa doorkii hore oo ay ay isu soo sharaxeen 22 murashax ayaa u dhacday sidan oon hoos idiinku muujinayo inta cod heshay, iyagoo ay jiraan rag aan hal codna helin oo uu ka mid yahay Maslax Maxamed Siyaad, taas oo ka dhigan in xataa naftiisu u diiday inay u codeyso. Waa amuur la yaab leh, ruuxa isagu isu codeyn waayey, yaa uu cod ka sugaayey.

Natiijada doorashada Musharaxiinta

Cabdi Wali Gaas 29 cod
Cabdullahi Cadow 24 cod
Shariif Ahmed 63 Cod
C.raxman Baadiyow 20 Cod
Cabduqadir Cosoble 27 Cod
Yusuf Garaad 8 Cod
Mohamed Gacal 1 Cod
Mohamed Farmaajo 13 Cod
Xasan Shiikh 59 Cod
Saciid Lugoole 1 Cod
Ahmed Samatar 8 Cod
Xaaji Yasin 2 Cod
Sakariye Xaaji 1 Cod
Cabdi wali shiikh 3 Cod
Maxamed OOmaar 1 Cod
Cabdi Wali Goonjeex 3 Cod
Cumar Salaad 2 Cod

Waxay doorashadu u dhacday daah-furnaan iyo hab dimuquraadi ah soona jiitay indhaha bulshada caalamka. Waxa barlamanku xajiijiyeen inay ka door bidayaan ragga dalka joogay ee dhib iyo dheef dadkooda la wadaagay, ragga qurbajooga ah, iyo inay doortaan aqoonta ooy ka baxaan dagaal oogayaal.

Haddana arrintani waxay ina tusaysaa in hab qabiil lagu heshiiyey oo ah in loo daayo beesha Hawiye, Abgaal Madaxnimada, halka la filayo in Daaroodna qaato Raisal Wasaaraha oo weliba loo filaayo Majeerteen. Faalo kale ma leh ee ma laga yabaa in arrintani ku noqoto Soomaalida mid joogta ah oon ku eekaan xiligan dib u dhiska.  Aan u rajeeyo inay ku eekaato xiligan dib u dhiska, walow waxa loo bartaa caado noqoto.

Waxaan leeyahay Madaxwyne Xassan Sh. Maxamuud hanbalyo, bogaadin iyo guul iyo guul. Dardaaranka ugu muhiimsan een u dirayaa waa inuu noqdo nin eega danta guud iyo nabadgelyada lana dagaalama musuqmaasuqa oo aanu inna u dulqaadan in la daco hantida guud, waa inuu iska jiraa eexda iyo qabyaaladda, waa inaan shisheeye wax u yeedhin, waa inuu naftiisa ku kalsoonaadaa oo uu yeeshaa go’aan adag iyo hoggaan awood leh.

Siyaasadiisa Soomalilandna ha ahaato mid run ku dhisan oon malo awaal iyo riyo ahayn. Waa inuu ka shaqeeyaa siyaasadda laba dal oo walaalo ah oo wax wada qabsada taas oo danta Soomalinimadu ku jirto. Yaan waqti kaga lumin dib u raadin aan suuragal ahayn iyo midnimo aan la helayn. Dadku waxay u baahan yihiin dib u dhis dhaqaale, bulsho iyo caafimaad, uma baahan muran iyo colaad hor leh. Aan ka wado shaqayno inaynu helno hab iskaashi oo ay u aayaan dadweynaha labada dal, taas ayey guushu ku jirtaa. Noqo Madaxweynihii ka midho dhalin lahaa wada hadalka labada dal.

Alle ha garansiiyo halka dantu ku jirto. Soomali meel ay joogaanba waxaan u rajeynayaa nabad iyo horumar.

Axmed Xasan Carwo

 samotalis@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories