HomeMadaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Digreeto ku Xaddiday Dhulka Danta Guud ah ee Berbera

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Digreeto ku Xaddiday Dhulka Danta Guud ah ee Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu ku socodsiiyey maamulka laamaha dawladda ee gobolka Saaxil ku xayiray dhulka Danta Guud ee magaalada Berbera oo hore looga soo saaray wareegtooyin noocan ah balse aan la dhaqan-gelin.

Dr SiilaanyoMadaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu wareegto sumaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 ku dhaqan-geliyey Xeerka tirakoobka Qaranka oo goleyaasha Sharci-dejinta hore u ansixiyeen.

War-saxaafadeedyo lagu shaaciyey labadan wareegto oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa lagu sheegay in dawladdu dhul aan Cidi isticmaali karin (Free Zone) u aqoonsatay Dhulka Danta Guud ee magaalada Berbera, waxaanu ku amray masuuliyiinta dawladda ee gobolka in tallaabo adag laga qaado Ciddii burinaya xayiraadda Wareegtadani xambaarsan tahay.

Wareegtada madaxweynuhu ku xayiray dhulka Danta guud ah ee ku yaala xarunta Isha Dhaqaalaha Somaliland, ayaa u dhigneyd sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013 ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera. Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiintan:-

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Duqa Magaalada Berbera, Maareeyaha Dekedda Berbera, Taliyayaasha Ciidammada.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:  Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;

Markuu Arkay: Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;

Markuu Arkay: Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;

Markuu Arkay: Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;

Mudanayaal,

Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, Waddada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa ilaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.

Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.

Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.”

Wareegtada Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyey Xeerka Statistics-ka, ayaa isaguna u qornaa “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan-geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013 ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories