HomeMadaxweye Axmed Siilaanyo Oo Darajooyin iyo Dalacsiin Ku Taxay Qaar Ka Mid...

Madaxweye Axmed Siilaanyo Oo Darajooyin iyo Dalacsiin Ku Taxay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Qaranka Ee Jiida Bari

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Oog(SLpost)-Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmahan ku guda jiray socdaal uu ugu kicitimay gobolada bariga qaar ka mida ayaa saaka subaxnimadii hore magaalada burco uga jarmaaday dhinaca bariga, isagoo gaadhay gobolka saraar gaar ahaan magaalo madaxdiisa Caynabo oo madaxweynaha iyo weftigii ku wehelinaayey safarka si weyn loogu soo dhaweeyey iyadoo halkaana loogu sameeyey Quraacdii.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Ka dibna weftigu waxay halkaa ka sii wateen socdaalkoodi shaqo iyaga oo u sii jeeday ama yoolkoodu ahaa ka qaybgalka Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland munaasibadaas oo lagu qabtay degmada Oog oo ka tirsan gobolka saraar, taas oo noqonaysa in markii ugu horaysay 22kaa sanno oo ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka lagu qabto gobol aan ahayn Maroodi-jeex balse taariikhdaa ayaa maanta is bedeshay kana dhigtay mid ku cusub oo buuga diwaanka madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku xusnaan doonta laguna xasuusan doono marka loo eego madaxweyneyaashii soo maray somaliland, madaxweyne siilaanyana uu taariikhdaa baal dahab ah ka galay

Ciidamada ku sugan Taliska guud ee aaga bari ama fadhiisinka aaga bari oo ay iyaga maanta u ahayd badhaadhe iyo farxad aan la qiyaasi karin ayey u noqotay inay madaxweynahooda kula ciidaan sanad guuradooda 22aad, iyadoo madaxweynuhuna hambalyo u diray guud ahaan ciidamada Qaranka ama qalabka sida meel ay joogaanba.

ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu halkaa ku dalacsiiyey kuna taxay derajooyin ay ugu hoosayso gaashaanle uguna sarayso sareeyo guudo oo uu ku abaal mariyey qaar ka mida ciidanka qaranka ee difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland heeganka ugu jira meel ay joogaanba.

waxa xusid mudan in madaxweynuhu yahay madaxweynihii suurageliyey in ciidamada kala duwan ee dalku ay yeeshaan astaan derejooyin u gaara oo ay ku kala danbeeyaan, iyadoo uu maantana ku darsaday madaxweynuhu inuu halkii ka sii anba qaado oo uu dalacsiiyo qaar ka mida ciidamadii uu hore ugu taxay derejooyinkaas, waxaanay noqonaysaa talaabo kale oo uu madaxweynuhu dhanka derejooyinka hore u qaaday.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey taliska guud ee aaga bari, dhismayaashaas oo isugu jira hurdo, Hangaro iyo Dugsiyo kala duwan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories