HomeMadaxwayne Siilaanyo oo soo Saaray Digreeto Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Dawladda kaga mamnuucay...

Madaxwayne Siilaanyo oo soo Saaray Digreeto Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Dawladda kaga mamnuucay ka qayb-galka Hawlaha Xisbiyada/ururrada iyo Hantida dawladda oo loo adeegsado

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in masuuliyiinta dawladda iyo ciidamada kala duwan ee dalku ka qayb-qaataan ololeyaasha Xisbiyada iyo ururada ee doorashada isla-markaana aanay masuuliyiinta dawladdu kaga qayb-qaadan karin Hantida Dawladda.

blank
Madaxweyne Siilaanyo

Digreetada madaxweynuhu soo saaray oo lagu war-galiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, laguna socodsiiyey wasaaradaha, hay’adaha kale ee Dawladda, kuwa aan dawliga ahayn iyo ciidamada kala duwan, waxa lagu sheegay inay iska jiraan ka qayb-qaadashada ama inay ka dhex muuqdaan ololayaasha xisbiyada iyo ururada. Sidoo kalena wuxuu uga digay in gaadiidka dawlada lagu dhejiyo istiikarada Musharixiinta ama calaamad urur ama xisbi u gaar ah.

Digreetada madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u dhigneyd sidan:

u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay N0:  0264/092012, ku dhaqan geliyey Wareegtadan.

Ku: Dhammaan Wasaaraddaha JSL

Ku: Dhammaan Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawlada

Ku: Dhammaan Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Hay’adda Sirdoonka Qaranka

Ku: Dhammaan Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka

Ku: Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda

Ku: Ururada aan Dawliga ahayn

Og: Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay:   Qodobka 12 aad , faqradiisa 2 aad ee Dastuurka  Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu arkay:  Qodobka 14aad  ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista    Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011

Markuu arkay:   Qodobka 12 aad , faqradiisa 5 aad ee Xeerka Doorashooyinka   Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, Xeer Lr.20/2001

Markuu arkay;   Qodobka 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha   Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2001

Markuu Tixgeliyey:    Habsami-u-socodka Doorashooyinka, Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo dhex-dhexaadnimada.

Wuxuu soo Saaray

Wareegtadan Maamul oo ka reebaysa:

Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, Ururada aan Dawliga ahayn, Shaqaalaha Dawladda, Xubnaha Ka tirsan Garsoorka, Xeer Ilaalinta, Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka;

1) In ay ka mid noqdaan ama ku lug yeeshaan arrimaha Axsaabta/Ururada Siyaasadda, isla markaana u ololeeyaan, taageeraan ama ka soo horjeestaan Xisbi/Urur Siyaasadeed.

2) In dhammaan Mas’uuliyiinta Xukuumadda heer kasta oo ay leeyihiin ku ololeeyaan hantida Dawlada; sida, Lacagta Dawladda iyo Gaadiidka Dawladda.

3) In Boodhadhka iyo Waraaqaha Ololaha Doorashooyinka lagu dhejiyo Gaadiidka Dawladda, Masaajidada, Xafiisyada, Xarumaha Diblamaasiyiinta iyo Ururada Caalamiga ah.”

Wareegtadan madaxweynuhu soo saaray, ayaa sii xoojinaysa go’aan ay guddida doorashooyinka Qaranku ku shaaciyeen inay tallaabo sharci ah ka qaadayaan ciddii si badheedh ah hantida dawladda ugu adeegta cid gaar ah, waxaanay masuuliyiinta xukuumadda ee Xisbil Xaakimka iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda ku jira balse ka hawl-gala axsaabta iyo ururrada kale, ka horjoogsanaysaa inay Hantida dawladda ugu adeegaan danaha axsaabta ama ururrada ay ka tirsan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories