HomeMadaxwayne Siilaanyo oo ka warramay natiijada Socdaalkiisii Imaaraadka, Caawana Ku Nagaaday magaalada...

Madaxwayne Siilaanyo oo ka warramay natiijada Socdaalkiisii Imaaraadka, Caawana Ku Nagaaday magaalada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)_ Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo shan maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta oo uu ka helay marti qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo galabta ka soo degay madaarka Berbera waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirro, madaxda gobolka iyo degmada Saaxil iyo dadweyne tiro badan.

Berbera_Weftiga madaxweynaha (2)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madaarka ugu waramayay saxaafadda, ayaa sheegay in socdaalkiisii imaaraadka carabtu uu ugu dhammaaday guul isla markaana ay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi kala hadleen sidii loo sii adkayn lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dawladda Imaaraadka carabta u bandhigeen inay wax kala qabtaan mashaariic kala duwan oo la xidhiidha horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, wadooyinka iyo adeegyadda kale daruuriga ah.

Madaxweynuhu waxa uu la kulmay Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka carabta, Waliyul cahdiga Dubia iyo Wasiir Ku xigeenka wasaarada Arrimaha dibada Imaaraadka carabta.

Berbera_Weftiga madaxweynahaMadaxweynaha iyo weftigiisa waxa magaalada Abu Dhabi ee Dalka isu-tagga imaaraadka ka soo raacay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo tan iyo wakhtigii ka dambeeyey guushii Xisbiga UCID ka gaadhay doorashadii goleyaasha deegaanka socdaal ugu maqnaa dalka debeddiisa gaar ahaan dalalka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha dibadda, Macdanta, Beeraha, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Wasiir Ku xigeenka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories