HomeMadaxwayne Siilaanyo oo Guddi u  Magacaabay Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka Taagantahay ee...

Madaxwayne Siilaanyo oo Guddi u  Magacaabay Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka Taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku magacaabayo guddi baadhis iyo hubin ku samaysa arimaha cabashada keenay ee shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ku mudaysan bishan maanta billatay tobankeeda.
Digreetadan madaxweyne oo ku soo baxday war-saxaafadeed uu ku sexeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Xuseen Dayr oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost ayaa waxa uu u dhignaa sudan:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay  Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudida:-

Ku:    Mudane, Xasan Axmed Aadan,

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 

Ku:    Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,

          Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka

Ku:    Mudane, Axmed X. Cali Cadami,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  

Ku:    Mudane, Axmed Muxumed Madar,

Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga      

Ku:    Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC         

Og:    Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Og:    Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Og:    Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa

Ujeeddo:     Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:

  1. Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
  2. Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.
  3. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.

Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.

Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.

Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories