HomeMadaxwayne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Jid Isku Xidhaya Kalabaydh ilaa Wajaale iyo Soo-dhawayn...

Madaxwayne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Jid Isku Xidhaya Kalabaydh ilaa Wajaale iyo Soo-dhawayn baaxad leh oo reer Gabiley ku Qaabileen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay jid isku xidhaya Magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale, kaas oo wasiirro xukuumadda ka tirsan hore u dhagax-dhigeen hirgelinta dhismihiisa.

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka soo laabtay safar ay ku tageen Magaaladda Boorama oo ay xalay ku dhaxeen, ayaa dadwaynaha Magaalooyinka, Gabiley iyo Kalabaydh kala kulmay soo dhawayn balaadhan, iyadda oo weftiga Madaxwaynaha laga soo galbiyey meel aad uga durugsan Kalabaydh.

blankMadaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa waxa Magaaladda Gabiley ku soo dhaweeyay dadwayne tiro badan oo qaarkood ku labisnaayeen calanka Qaranka Somaliland, iyadda oo ka hor intii aanu soo gaadhin Gabiley uu xadhiga ka jaray jidka Kalabaydh iyo Wajaale, kaasi oo dhismihiisa la bilaabayo.

Madaxwayne Siilaanyo iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ayaa halkaasi hadal ka jeediyay, iyagga oo faahfaahiyey muhiimadda jidkani shacabka u leeyahay.

blankBadhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxwaynaha ku soo dhaweeyay Gobolka Gabiley, “Madaxweyne waxaanu kugu soo dhawaynaynaa Gobolkayaga Gabiley,”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “Madaxwayne Wadadani 30 sanno ka hor ayaa la dhisay, dadka iyo gaadiidka isticmaalaa saacado badan ayey ku qaadataa inay Wajaale gaadhaan, run ahaantii dhib badan ayey kala kulmaan xiliga roobabka.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Abiib Timo-cadde oo ka mid ahaa Masuuliyiin sii abaabulay dadka soo dhaweeyay Madaxwaynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Mudane Madaxweyne waxa kuu diyaar ah umaddii reer Gabiley, Suldaankeedii, odayadeeddii, haweenkeedii, dhalinyaradeedii, xildhibaanadeedii iyo dhammaan waxgaradka gobolka Gabiley, waxayna ku leeyhiin gacmo furan ku soo dhawaw.”

blankMadaxwayne Siilaanyo ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal Mahad-naq u badan “Waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhawaynta aad ii samayseen ee aan la ii kala hadhin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya jidka uu dhagax dhigay “Wadadani qiimo-weyn ayey u leedahay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gabiley, waxaan isticmaala gaadiidka ugu badan ha noqoto ganacsiga ha noqoto gadiiddka tagaya dalka itoobiya, ha noqoto gadiidka shicibka ee dalkeena waxayna kobcineysaa horumarka Wadanka, inshaa Allahaa Wadadani waxay noqoneysaa mid faa’iido badan, waxaanan rajaynayaa inay dhakhso u dhamaato”

blankblankMadaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa markaa ka dib loo soo galbiyey dhinaca Magaaladda Gabiley halkaas oo aad loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Siilanayo iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo guryo noqday caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories