HomeMadaxwayne Siilaanyo iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Dalka Ka Dhoofay, Kana Hadlay...

Madaxwayne Siilaanyo iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Dalka Ka Dhoofay, Kana Hadlay Shaqaaqooyinkii ka Dhashay Natiijada Doorashada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta gelinkii dambe socdaal ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay kaga qayb-galayaan 40-guurada Qoraalka Farta Soomaaliga oo dalkaas lagu qabanyo.

safarka madaxweynaha (3)

Madaxwayne Siilaanyo oo safarkiisa ay ku weheliyaan Marwada Koowaad, Wasiiradda Arrimaha Debedda, Madaxtooyada, Boosaha iyo isgaadhiinta, Waxbarashada, Maareeyaha Hay’adda Abaabulka Saarka Qaran (NDC) iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa warbaahinta la hadlay ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Aiport oo diyaarad khaas ahi ka qaadday.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay ujeeddada safarkiisa iyo rabshado khasaare nafeed sababay oo ka dhacay caasimadda Hargeysa, kuwaas oo ka dhashay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka.

safarka madaxweynaha

 “Waxa na marti-qaaday Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, halkaasi oo loogu dedaal-dagayo 40 guurada qorista Afka Soomaaliga, markaa shirkaasi ayaanu ka qayb-galaynaa Haddii Alle yidhaahdo, wixii dano ah ee ka dhexeeya laba dal oo jaarka ah oo xidhiidh wanaagsanina ka dhexeeyo ayaynu nahay, waananu ka wada hadli doonaa. Somaliland-na shirkaasi doorka dadka kale ku leeyihiin ayay ku leedahay,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Shirka ma jiraan awoodo lagu qayb-sanayaa, dhaqaale la isku siinayaana ma jiro, waana shir laga qayb-galayo oo dadka Afka Soomaaliga ku hadla la xidhiidha, markaa cid walba gacanta ay ka geysanayso way ka geysanaysaa.”

safarka madaxweynaha (1)

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay natiijada doorashada, “Aad iyo  aad baan uga xumahay dhibaatooyinka dalka ka dhacay iyo ciddii dhibaato ku timidba, doorashaduna waxay ahayd mid dalka loogu talo-galay, hawshaa iyo xilkaana waxa gacanta ku hayey Komiishanka qaranka. Ayaan-darro way dhacday, horena waan u tacsiyadeeyay, imikana waan ka tacsiyadeynayaa wixii dadkeena ah ee dhibaato ka soo gaadhay, haddana doorashadii way inoo dhamaatay, waxaanuna Illaahay ka rejaynaynaa inaynu ku guulaysano, waxaanuna jecelahay in meel walba nabadgalyadda la ilaashado, dadnimadeena, dimuqraadiyadeena, wada-jirkeena iyo umadnimadeena ilaashano.”

safarka madaxweynaha (2)

Madaxweynaha oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa in ka-qayb-galka shirkaasi ay dheer yihiin Kulamo laga yaabo inay la yeeshaan madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu yidhi, “Dalka Jabuuti marti badanbaa isugu imanaysa, aniga oo kali ahi marti kama ahi, marka marti badan dalka joogtana waxa la isugu yimi ayuunbaa laga wada hadlaa, wixii kale ee labada dal ka dhexeeya ee furani waa wax wakhtigeeda iyo goorteena loo ballami karo haddii Alle yidhaado oo laga wada hadli karaa.”

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories