HomeMADAXWAYNE la doortow maamulkaaga xogtiisiyo xanaftiisa ma baadhay?

MADAXWAYNE la doortow maamulkaaga xogtiisiyo xanaftiisa ma baadhay?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
  • Qurba Joog Iyo Qodaal Jooguba
  • Laba Weeyi Qiraala
  • Inay Qayb Ka Yihiin
  • Qaranka Maanta  Joogto
  • Qormo Ay Ku Kulmeena
  • Salaan Qiimo Lohoo
  • Qalbi Saafiyi Dhiibay
  • Qosolna Ay Ku Dareen
  • Qaxwihiina La Raacshay
  • Waxay Soo Qadimeen
  • Kaftan Qaayo Lahoo
  • Taladii Qarankeeniyo
  • Quruskooda Ku Saabsan

Qurba joog: qodaalow meel ay xabadi ka dhacayso waa horaa iigu danbaysay ciidankii qaranka iyo maleeshiyadii xero ka bixiyuhu helay tolow xaalkoodu halkuu marayaa?

Qodaal joog:qurbaawow maqalkeeda xabada anba waa iigu danbaysay lama yaqaanee xanuunka dagaalka waxaan xasuustaa marka ciidanka qaranka iyo kooxda nabad diidkii ay soo weeraraan ciidanka qaranka ee xasiloonidooda iyo xanaanayntooda dirayska ugashan waxaanse ugu duceeyaa maleeshiyada nabad diidka ah inuu ilaahay xaqa garansiiyo.

Qurba joog: laba sano ka hor waxaan imiday dalka adigoo uxiiqsan kulmiye iyo madawayne siiraanyo halkay wax ka si noqdeen?

Qodaal joog: shalay,manta iyo bariba waxaan raadinayaa xurmaynta sharciga iyo xeerarka dalka, dawlad fulisana waligood heli maayaan ilaa;iyo la helo hogaan ka hawl gala

Qurba joog: haddii aad talo hayso anagay albaabada madaxtooyadu noo furan yihiine noo sheeg?

Qodaal joog: waa si wanaagsan haddii bulshada qaybaheeda kala duwan in uun wax laga dhagaysanayo fiicnaan lahayd  in qodaal joogana talada wax laga siiyo.

Qurba joog: waar halkeed ii af qaaday, qodaal jooga iyo qurba joogaba labadaba wax waa laga dhegaystaa

Qodaal joog: xukumad kasta waxaa ragaadiyay seddex arimood oo keena inaan dawlad kasta anay la iman xurmaynta sharciga,xeerarka dalka iyo kale danbaynta waana: qabiilka, laaluushka iyo musuq-maasuqa, maansadana iga dhagayso.oo daaha qaadaysa hab dhaqan aan isbadalin oo xukuumadihii kala danbeeyayba ay la wadaagaan xukuumadan maanta talada haysa .

  • Hal abuur xadantooday
  • Dhacdaduu ka xumaado
  • Runta uun ma xariiree
  • Xaraguu ku daraa
  • Murtidoo xarfadaysan
  • Dacwadiisa xanbaarta
  • Isagoon xaglinayn
  • Xogogaalna ahaaday
  • Xaqiiqduu ka hadlaa
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Wasiiradaada ku xeeran
  • Xadro joog laga waayay
  • Xulka sow ma saluugin
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xeeladaada hogaankiyo
  • Xamilkaaga dulqaadkaba
  • Xajmigoodu yaraado
  • Xanaf sow ma lahaatid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xaafadii laga doortay
  • Xaadhintii garan waayo
  • Xilku sow ma halmaamin
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xiisahaan ku codeeyay
  • Xaaluf maanta ka joogo
  • Xaawalay talinayso
  • Xaalku sow eber maaha
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xigtadaada qabiilkiyo
  • Xurmo ay talinayso
  • Sow xisaab furan maaha
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Ka xoroobin ashkhaas
  • Xubno uu unuglaado
  • Xarna ay ku noqdaan
  • Xarsho sow noqon maysid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xarfihiisa sharcigeeniyo
  • Xeerku aanu hagaynin
  • Xaglahaagana toosin
  • Xaakimkaaga garsoorkana
  • Xaqsoorkaa ku yaraada
  • Xajiin sow ma lahaatid
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Maamulkiisa xisaabin
  • Xirfadodda aqoontiyo
  • Xikmadoodaba baadhin
  • Xuuraankisu adkaanin
  • Xilku sow ma habaabo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xaflad la isku amaano
  • Xayaysiis ku  mashquulo
  • Xusku uu bilo dhaafo
  • Masuulkii xarigaaba
  • Xidig uu ku mutaysto
  • Sow xariif noqon maayo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xasilooniduu la wareegay
  • Xididkeeda fogaanin
  • Sow xagaa noqon maayo
  • Mar haddii xukunkaaga
  • Xayndaabkaagu hogaanka
  • Xidhiidhkooda dhaliilay
  • Xafiisyadaada dhamaan
  • Xafiiltan uu ka dhexeyo
  • Xogtu sow bixi mayso

Qalinkii: sacad x.maxamuud gadhle.

Tell:4669910

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories