HomeMadaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcadii 2-aad Ee...

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Dufcadii 2-aad Ee Ciidamada RRU-da

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Mandheera (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Tababar u soo xidhay Dufcadii 2aad ee Ciidamada Sidda Gaarka ah u Tababaran ee loo yaqaano RRU, kuwaasi oo dhameystay tababar muddo dheer qaatay.

Munaasibada Tababarkan  loogu soo xidhayey  Ciidanka RRU  ayaa wax ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxman Saylici, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan,  Badhasaabka Gobolka Saaxil, iyo Saraakiisha kala duwan ee  ciidanka Booliska Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa Wax uu salaan Sharaf ka qaatay Ciidanka Tababarka loo soo xidhayey, waxayna halkaasi ku soo bandhigeen Aqoontii ay barteen.

ciidanka-tababarku-u-xidhmayUgu Horeyn wax halkaasi ka hadlay Hogaanada Ciidanka Booliska ee Somaliland Waxayna Sheegen in Ciidankani yahay mid karti u leh in qarankooda iyo Dadkooda ay ka difaacan Cid kasta oo Cadaw u ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland  Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa ku dheeraday heerarkii kala duwan ee ay soo mareen Ciidanka Booliska Somaliland, wax kale uu uu hoosta ka xariiqay in Dufacadani tahay Dufcadii labaad ee Ciidanka RRU, balse ay jireen Dufcado kale oo Ciidanka Booliska oo Dugsiga Mandheera ka soo baxay.

Taliyaha oo Si gaar ah uga hadlay Ciidanka RRU iyo Qiimaha Qaranka Somaliland ku joogan wax uu yidhi “Ciidankani wax uu yahay kuwa loogu tallo galay xaladaha Deg-deg ah in ay ka hortagaan haddii ay argagixiso tahay iyo haddii ay dhibaatooyin kaleba ay  tahayba, Bulshada reer Somaliland Waxan u sheegaynaa in ciidankani ay yihiin badbaadiyaasha Dalka iyo Bulshada Somaliland, waxaanuna leenahay  bulshada reer Somaliland Ciidankan u arka in ay yihiin  kuwii naftiina  iyo qarankooda difaacayey, ee ha u arkina in ay yihiin  ciidan dhib loo Abuuray, ciidankani waa ciidanka difaaca qaranka lafdhabarka u ahaa hadii ay yihiin ciidanka booliska Somaliland ka tirsan sidda kuwa Birmadka ee RRU, Goobtan aynu joogno ee Mandheera Wax  ka qalinjabiyey dhawr dufcadood oo  kala duwan ay ka mid yihiin Ciidanka  SPU iyo Kuwo kale.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Isaga oo hadalka Sii Watana Wax uu yidhi “Ciidankan RRU wax loogu tallo galay hawlaglada culus, Waxaana la galiyey tacab farro badan, Runtii Marka ay Ciidankani ay galan hawlgalka waanu ku faraxnaa  sidda Quruxda badan ee ay u nidaamsan yihiin, Marka Tobanka Nin ee Ciidanka RRU waxay u dhigmayaan 100 askari oo booliska kale ah, faan maaah oo kuwa kale in ay ka hooseyan ma aha, laakiin Tacab badan ayaa  kuwan la galiyey”

Wasiirka Arrimaha Gudaha.Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo isaguna halkaasi hadal dardaran ah u jeediyey Ciidanka Tababarka loo soo Xidhayey ayaa Wax uu yidhi  “Ciidanka RRU Dalka wuu ku cusub yahay, laakiin Qof kasta oo reer Somaliland ahi dhagihiisu way maqleen,  marka ninba turjumaad ayuu saartay, dadka qaarba faafiya in ay cadaw yihiin, waxaanu halkan ku cadeynaynaa in anay cadaw ahayn,basle  ay yihiin ilaaliyaha Amniga shacabka iyo dalka iyo dadkaba, waxay Ciidanka RRU Cadaw ku yihiin cidii cadaw ku ah nabada mushtamaca Somaliland, basle Ciidanka RRU Bulshadooda Somaliland waa saaxiib la nool oo dadkooda Ilaashada, ee ma ah  dad meel kale ka yimid, ee waa dad bulshada reer Somaliland ka yimid oo dadku dadkii yihiin, marka runtii waxaynu meesha ka saareyna dadka Makarafoonada qaata ee Sidda  khaldan  u tilmaama ciidankaasi.”Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) oo Gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa wax uu Ciidamada RRU-da ku booriyey inay Marka hawlgalka ay waddan Dadka si fiican ula dhaqman, “Marka aad baadhitan ama dareen uu yimado ama War la helo Cidii shacabka ee Habeenkasi la Dulmaraa haw aragto in la badbaadinayo  yaanay u arkin Ciidan Dhibaato u geysanaya iyaga, Waxa loo baahan yahay inaad Bulshada Dhawrtan inta aad dhawri kartaan,” ayuu yidhi Md Saylici.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories