HomeMadaxwaynaha Bolivia oo afti ku "guul daraystay"

Madaxwaynaha Bolivia oo afti ku “guul daraystay”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(Slpost)-Madaxwaynaha dalka Bolivia, Evo Morales ayaa si dirqi ah ku waayay in uu mar afraad u tartamo madaxwaynenimada dalkaasi kaddib markii afti la qaaday, sidaas waxaa muujiyay warbixinta hor dhaca ah ee Aftida.

Mid ka mid ah tirada codadka la dhiibtay ayaa muujinaya in 52.3% ay dadku ka soo hor jeedsadeen, mid kale ayaase tilmaamaysa in 51% dadkii codka dhiibtay ay ku gacansayreen in Morales uu mar kale uu hogaamiyo dalka.

Si kastaba ha ahaatee Morales ku xigeenkiisa ayaa saadaalinaya in madaxwayne Morales oo ah kii u horeeyay ee ka soo jeeda dadka asal ahaan u daganaa dalkaasi in uu aftida guul ka gaaro marka ay soo dhamaystiranto natiijada rasmiga ah ee aftida.

Haddii sharciga la badalo Morales wuxuu madaxwayne sii ahaan lahaa tan iyo 2025-ka.Taageerayaasha mucaaradka oo ku sugan qaybo ka mid ah caasimadda La Paz ayaa u dabaaldagaya natiijada aftida.Morales wuxuu ka soo jeedaa dadka asalka ah ee Aymara wuxuuna horay u ahaa nin beerta caleenta Coca, wuxuu xilka qabtay 2006.

Xilka madaxwaynenimada ee uu hadda hayo wuxuu ka dhamaanayaa sanadka 2020.Wali waa hogaamiye caan ah, dhaqaalaha dalkaasina si wayn ayuu u koray toban kii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa qaba in aan la ogolaanin in madaxwayne Morales uu dalka ka taliyo 19 sano oo xiriir ah sida uu sheegayo tafatirahanaga Ameerika.In la taxadaro ayaa lagu baaqay.

Madaxwayne ku xigeenka dalkaasi Alvaro Garcia Linera ayaa ku baaqay in dadku ay ka war dhawraan natiijada kama dambaysta ah wuxuuna intaas ku daray in dabaaldaga mucaaradku uu yahay hor dhac.

Saxafiyiinta ayuuna u sheegay in saadaalinta aftida laga bixiyay ay khalad tahay.

BBC

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories