Home“Madaxtooyadaa aboor ku noqotay dawladdii, qarannimadii, dastuurkii iyo sharcigiiba” Faadumo Siciid Ibraahim

“Madaxtooyadaa aboor ku noqotay dawladdii, qarannimadii, dastuurkii iyo sharcigiiba” Faadumo Siciid Ibraahim

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

 

Hargeysa(SLpost)- La taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa cambaaraysay iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women’s club-ka oo la sheegay in dad gaar ah xukuumaddu ka iibisay.

 

 

 

“Somaliland waa Dawlad Sidii ay u taagnayd aboor dhexda ka cunay, aboorkaasina waxa weeyaan madaxtooyada. Madaxtooyadaa aboor ku noqotay dawladdii, qaranimadii, dastuurkii sharcigii iyo dhinac walba. Maanta Somalilandeey Waxaan anigu qirsanahay in ay dawladdini doonayso in ay Somaliland baabiiso in ay callankeenna baabiiso, in ay jiritaankeennii aynnu u soo dhididnay ee aynnu usoo halgamaynay ee rag u dhinteen” Ayey hadalka ku bilawday Faadumo Siciid.

 

 

 

“Marka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women’s club-kii , dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay markay wax walba soo cuntay ee wax walba soo dhammaysay ee meel kale oo ay hujuunto wayday, markay hoygii yaraa ee haweenka ee Women’s Club-ka u soo fadhiisatay ay Iibisay maxaa Somaliland u hadhsan,” ayay tidhi Marwo Faadumo.

 

 

 

Lataliyaha guddoomiyaha Waddani Marwo Faadumo Siciid waxay ku dooday in iibinta guriga qadiimiga ah ee haweenku sababi doonto tahriibta haweenka “ Dhalinyaradii shaqo la’aan iyo mustaqbal la’aan ayay u tahriibeen, ma hooyooyinka ayaa la doonayaa in iyagana wadadaas lagu tuuro? Dawladdi ma hadhin, wax allaale wax haykal dawladeed ah oo hadhsani ma jiro” ayay tidhi Faadumo Siciid.

 

 

 

Ugu dambeyn waxay farriin u dirtay haweenka wasiirada ka ah xukumadda Siilaanyo “ Waxaan la hadlayaa dumarka wasiirada ah ee ku jira dawladdan mustaqbal la’aanta inagu riday, Marwada koobaad ayaan la hadlayaa, waxaan idin leeyahay xageed dumarkayagii dhigteen, xageed magacayagii iyo sharaftayadii maanta dhigteen, markaad hantidii dumarka Iibiseen ee Women’s clubk-kii iibiseen maxaa ku xiga eenu idinka filaa,” ayay tidhi Faadumo Siciid oo kula talisay wasiirada dumarka ah iyo marwada madaxweynaha inay dib isugu noqdaan lana daayo guriga haweenku wax ku baranayeen.

 

 

 

Xaruntan ayaa muhiim u ah waxbarashada haweenka, waxaana xirfadaha iyo waxbarashada dadban ka barta haween tiro badan oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee caasimadda. Wasaaradda waxbarashada iyo xukuumadda toona ayaan wali ka hadal arrintan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories